berberatoday.com
Hay’adda Amnesty Oo Mareykanka Ugu Baaqday Inuu Magdhow Siiyo Dhibanayaasha Rayidka Ee Duqeymaha Cirka Ee Soomaaliya
July 31, 2020 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu magdhow siiyo dhibanayaasha rayidka ah iyo qoysaska ay saameeyeen duqeymaha cirka ee Soomaaliya.

Amnesty ayaa baaqaan siidaysay kadib markii Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu qirtay in hal qof rayid ah lagu dilay halka saddex kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah horaantii sanadkan.

Dhacdadu waxay dhacday 2-dii Febraayo meel u dhaw magaalada Jilib ee koonfurta Soomaaliya. AFRICOM waxay soo sheegtey in hal argagixiso la dilay.

Waxay sheegtay inay heshay sideed eedaymood oo ah waxyeelada rayidka kadib dhacdadaas.

Amnesty waxay tilmaamtay in warbixinta, tii labaad ee noocan oo kale ah, ay ahayd markii ugu horreysay ee AFRICOM ay si rasmi ah u xaqiijiso warbixin ku saabsan khasaaraha rayidka ee shacabka Soomaaliya ka soo gaadha howlgalkooda.

“Waa in ay jirtaa isla xisaabtan iyo magdhawga dhibbanayaasha iyo qoysaskooda, ”ayay tidhi Amnesty.

Amnesty waxay xustay in kastoo AFRICOM ay sameysay horumar la taaban karo oo ah qirashada khasaaraha shacabka, hadana in loo baahan yahay in wax badan laga qabto si looga fogaado dhibaatooyinka noocaas ah loona dammaanad qaado qaabkeeda hufnaanta iyo isla xisaabtanka ah.

Warbixintii ugu horreysay ee AFRICOM ee la daabacay Abriil, waxay qireysaa in weerar cirka ah oo dhacay 23-kii Febraayo agagaarka Kunyo Barrow lagu dilay laba qof oo rayid ah laguna dhaawacay saddex kale. Laba ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka cirka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews