berberatoday.com
Somaliland Oo Joojisay Bandhig-faneedyo Ciidda Lagu Qaban Lahaa Hargeysa Iyo Sababta Keentay!
July 31, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka digtay qabashada Bandhig-faneedyo la doonayo in maalmaha Ciidul-Adxa lagu qabto qaar ka mid ah Huteellada magaalada Hargeysa, sidoo kalena soo jeedisay in la xaddido Dhalinyaradaha sida xad-dhaafka ah Badda magaalada Berbera taga Maalmaha Ciidda oo mararka qaarkood khasaare heer dhimasho ahi ka dhasho Ciidaha.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay inaan dhaqan ahaan, Diin ahaan iyo Caafimaad ahaan toona aan la oggolayn in la qabto Bandhig-faneedyo Dad badani isugu yimaaddaan, iyadoo laga cabsiqabo inuu dib u qarxo cudurka Covid-19 ee dunida aadka u saameeyey oo Somaliland-na ka mid tahay meelaha dalalka uu saameeyey.

Wasiir Khaliil oo galabta shir Jaraa’id ku qabtay, ayaa Ciidanka Booliska Somaliland u soo jeediyey inay ka feejignaadaan qabashada bandhig-faneedyada, waxaanu sharraxay sababaha loo joojiyey.

Haddaba, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo qodobbadaas oo faahfaahsan ka hadlaya, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews