berberatoday.com
Somaliya: Qorshaha Madaxwayne farmaajo!Siyaasi Cali Guray Qaybtii 2aad.
July 31, 2020 - Written by admin

Ka dib go’aankii Golaha Shacabku kalsoonida kagala noqday Raisul Wasaarihi hore Mudane Xasan Cali Khayre Xaaladda Somalia sidii la filayay may noqon in kasta oo ay badan yihiin Butaacooyinka ka soo yeedhayay dhinacyada ka cadhaysan sidii Ay wax u dhaceen. Dawlad Goboleedyada waxa markiiba gaashaanka ku dhuftay Madaxwaynaha Puntland oo baaq dheer u diray ilaa Bulshada Caalamku in ay soo farogeliso arintan khilaafka ka dhashay go’aankii sharci darrada ahaa, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dawlad Goboleedyada kale ma jiro mid keliya oo ilaa hadda si cad uga hadlay dhacdadii xilka lagaga qaaday Raisul Wasaarihii hore. xataa Madaxwaynaha Jubbaland oo la filayay in markiiba uu go’aan diidmo ah  ka hor keeno ayaa afkiisa xidhay. Siyaasiyiinta ugu caansan Madasha Wada Tashiga Xisbiyada laftoodu kumay degdegin inay go’aan midaysan ka qaataan arintan. Markaa waa la isu aamusay dabcan sabab la’aanna maaha ee wax jiraba wax baa jira..

Bulshada Caalamka gaar ahaan Maraykanka iyo EU-da oo si ba’an uga soo horjeedsaday Go’aankii Golaha Shacabka ayaa werwer wayn ka muujiyay xaaladda Somalia iyo doorashada xiligeedi uu kaabiga soo saaray sida waynna la isugu khilaafsan yahay qaabkii ay noqonaysay iyo goortii ay qabsoomi lahayd. Waddamada Reer Galbeedka oo Somaliya ka caawiya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga iyo dimuqraadiyadda markiiba iyagu way ku gacansaydheen go’aankii Golaha Shacbigu xilka kaga qaaday Mudane Maxamed Cali Khayre balse Xukuumadda Farmaajo lamay daahin ee jawaab adag oo degdeg ah ayay siisay in faraha ay kala baxaan arimaha gudaha Somalia. Dhinaca kale waxa muhiim ah mawqifka ama kaalinta Dawladda Qadar iyo dalka Turkiga ee xil ka qaadista Raisul Wasaarihii hore Maxamed Cali Khayre. Khayre in kastoo uu si sharaf mudan u aqbalay xilkaqaadistiisa hadana wuxu iftiimiyay in shirqoolka dibadda lagu dhigay uu ka dambeeyay ninka la yidhaa Fahad Yaasiin oo hore u ahaan jiray Agaasimaha Madaxtooyada xiligii Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh haddana Taliyaha Haya’dda Nabadsuggidda isagu ah, laguna xidhiidhiyo dalka Qadar oo si mug leh Somalia iyo xukuumadeeda u taageera ilaa xilgii Xasan Sheekh uu Madaxwaynaha ahaa. Fahad Yasiin in kasta oo da’ ahaan lagu sheego in aanu gaadhin 40 jir, hayb ahaanna aanu ka soo jeedin beelaha waawayn hadana waxay dad badani rumaysan yihiin in shakhsiga ugu awoodda badan dalku uu isaga yahay sababtuna ay tahay Dawlad Qadar oo uu si gaar ah ugu xidhan yahay ilaa iyo heer ay dadka qaar rumaysan yihiin in uu yahay wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan arimaha Somalia. Taas oo hadii ay run tahay halisteeda leh.

Dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay waxa jiray dadaalo isu soo dhawyn ah iyo xidhiidho Madaxwayne Farmaajo uu la yeelanayay dhinaca mucaaridkiisa si dadban iyo si toos ahba. Marka aynu ka hadlayno mucaaridka xukuumadda waxa ugu muhiimsan siyaasiyiinta waawayn ee Madasha Wada Tashiga Xisbiyada oo qaarkood la sheegay in iyaga iyo Madaxwaynaha wada tashi uu dhexmary xataa magacaabista RW cusub. Dadka qaar ayaa sheegaya in rai’sul wasaaraha cusub ay suurtogal tahay in uu ka yimaado mucaaridka laftooda si loo dhiso dawlad wadaag ah oo dalka ka qaban karta doorasho la isla ogol yahay. La isla ogol yahayna waxa looga jeedaa qaabka ay noqonayso iyo taariikhda la qaban doono oo aan ilaa hadda la isku waafaqsanayn.

Kolay maalmaha soo socda waxa looga fadhiyaa Madaxwayne Farmaajo in uu soo magaaabi doono Raisul Wasaare cusub oo hadii Golaha Shacbigu ansixiyo isagu soo dhisi doona xukuumad cusub oo lafteedu u baahan in ansixinta Golaha Shacabka. Intaasi waxay noqonaysaa xalinta khilaafka wejigiisa hore inta ay qaadan doonto Allahu yaclam. Markaa intaa laga gudbo ayuun baa loo geli karaa khilaafka wajegiisii labaad oo halkii ay markii horeba sartu ka qudhuntay oo ah in laga jawaabo weliba la isla ogolaado “ doorashadu qaabkee ayay noqon doontaa, goorma ayayse qabsoomaysaa?

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews