berberatoday.com
Cali Guray oo Saadaaliyey Natiijada Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland kala iman doono Turkiga
August 1, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa saadaaliyay natiijada Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland kala iman doono Turkiga.

Cali Gurey ayaa sheegay in safarka wasiirka ay muuqato in aanu wax guul ah kala soo noqon doonin.

Wuxuu sheegay in dalka Turkigu si toos ah uga soo hor jeedo qadiyada madax-banaanida Somaliland.

“Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland wuxu u baxay dalka Turkiga lakiin wax guul ah kalama soo noqon doono sida ay u muuqato waayo marka ay tahay qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland Turkiga warkiisu wuu cad yahay oo si toos ah ayuu uga soo horjeedaa. Bal qabsoo waxay uga dhigan tahay gooni-isu-taaga Kurdiyiin uu ogolaaday. Taana waa la og yahay halka uu ka joogo. Hadiise sidii uu yidhi Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Somalia uu jiro debec laga arkay dhinaca Somaliland iyo rejo laga qabi karo isku soo noqosho Somaliland iyo Somalia markaa haa Turkigu waa sidii uu doonayay waxna waa laga wada hadli karaa. Hadii kale mawqifka Turkiga horena waynu u ogayn haddana waynu ognahay oo wadahadalada Somaliland iyo Somaliya dhex kama aha kamana noqon karo ee waa dhinac. Dalka Turkigu saldhiga ugu wayn ee milatari ee ka baxsan dalkiisu waa ka uu ku leeyahay Muqdisho isaga iyo dalka Qadar oo ay isku xulafo ama xulafo labadooda oo keliya ah isku yihiin ayaa saamaynta ugu wayn ku leh arimaha Somalia oo dhan xataa siyaasadda gudaha iyo dibaddaba”.ayuu yidhi siyaasi Cali Gurey.

Mar uu ka hadley xaalada Soomaaliya ayuu sheegay in aanay muuqan in wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u socday uu sii socon doono.

Wuxuu sheegay in Somaliland xiligan aanay isku mashquulin arimaha wadahadalkii ka dhexeeyay iyada iyo Soomaaliya, isagoona xusay in kulamadii hore loo mudeeyay ee labada kala dambeeyay ahaa aanu jirin wax ka suurogalay.

Xukuumada Somaliland ayuu ugu baaqay in ay danaheega gaarka ah u soo jeedaato.

“Xiligan marka aynu ognahay xaaladda Somalia ma muuqato in wadahadalkii Somaliland iyo Somalia u socday uu sii socon doono ugu yaraan inta ka horaysa qabsoomidda ama dibu dhigista doorashada muddada yari ay ka hadhsan tahay hadana sida wayn loogu qaybsan yahay qaabka ay noqonayso iyo weliba in xiligeedii ay ku qabsoomi karto iyo in kale. Markaa anigu sida aan u arko, hadii wax hoose oo qarsooni jirin Somaliland xiligan maaha in ay isku mashquuliso arimaha wadahadalkii ka dhexeeyay iyada iyo Somalia. Xataa kulamadii hore loo mudeeyay oo laba kala dambeeyay ahaa wax ka suurogalay ma jiraan, Somaliya lafteeduna hadda umaba jeedo wadahadalka Somaliland ay weli daba socoto. Markaa dawladda Somaliland waxan odhan lahaa danahaaga gaarka ah u soo jeedso geed walba in gubtaa way hoos taale.”ayuu yidhi Cali Gurey.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews