berberatoday.com
Madaxweyne Donald Trump Oo Ku Taliyey In Dib Loo Dhigo Doorashada Mareykanka
August 1, 2020 - Written by admin

Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa maanta soo jeediyey fikrad uu ku doonayo in dib loogu dhigo doorashada madaxweynaha Mareykanka ee dhaceysa saddexda bisha November.

DONALD TRUMP

DONALD TRUMP

Trump ayaa, isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, waxa uu mar kale ku celiyey sheegashadiisa ah in codeynta lagu soo diro boostada ay tahay qiyaameyn, wuxuuna soo jeediyey in doorashada dib loo dhigo.

“Dib u dhiga doorashada illaa inta ay dadka si sax, amni ah oo nabdoon ugu codeyn karaan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Trump ayaa shaki geliyey sharci ahaanshaha codeynta lagu dhiibto habka boostada ee dadka warqadaha codeynta kasoo diraan guryahooda, taasi oo gobollo badan oo ka mid ah dalka ay sare u qaadeen kadib faafitaankii cudurka Coronavirus.

Warka kasoo baxay Trump ayaa yimid ayada oo codadka ra’yiga ay muujinayaan inuu ka dambeeyo musharaxa dimoqraadiga ee Joe Biden, suurta-galna ay tahay in looga adkaayo doorashada 3-da November.

Taariikhda codeynta doorashada Mareykanka – oo ah Talaadada ku xigta Isniinta ugu horreysa ee bisha November ee sanad kasta oo afaraad – ayaa waxay ku dhigan tahay dastuurka Mareykanka, waxayna u baahaan doontaa in Congress-ka uu bedelo taasi oo aan muuqan.

Sidaas oo ay tahay soo jeedinta arrintan ayaa ah mid qeyrul caadi u ah dal dunida u muujiya inuu tusaale ugu yahay taariikh soo jireen ah oo ah awood kala wareegis nabdoon.

Xigasho REUTERS + AP iyo Turjumaadda VOA.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews