berberatoday.com
Xarakada Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Xil Ka Qaadistii Raiisul Wasaare Kheyre
August 1, 2020 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay xil ka qaadistii uu baarlamanka Xamar ku sameeyey ra’iisal wasaraihii hore ee Somaliya Xasan Cali Kheyre.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo jeediyey hadal ku aadan munaasabadda ciidda ayaa sheegay in hoggaanka dowladda Soomaaliya “ay isku khilaafeen la dagaalanka diinta iyo kuwii u adeegayey,” sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa sheegay ceydhinta Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ay muujisay wejiga dhabta ah ee hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay soo baxday wixii ay ka qarinayeen shacabka, oo uu sheegay inay isugu muujinayeen kuwa dantooda ka shaqeynayey.

“Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, gaaladii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageereysayna ay canaanta la daba taagan yihiin, kana shallaneyeso wixii hanti iyo taageero kaga baxay,” ayuu yidhi Cali Dheere.

Cali Dheere, wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Khayre ay ku celcelin jireen, in ay yihiin madax daacad ah oo dalkooda u adeegaya, islamarkaana hormarkiisa ka shaqaynaya, balse kala-tagooda uu muujiyay in mid kasta uu watay dantiisa shakhsiyeed, sidaasna ay ku kala boodeen.

Sidoo kale, Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku tusaaleeyay in ay lamid tahay buul-caaro, oo si fudud ku dumaya, isagoo xusay in ay hadda cagta saartay wadadii burburka, kadib Ridistii Ra’iisal wasaare Khayre, sida uu yidhi.

Cali Dheere wuxuu ka hadlay duqeyn diyaaradaha Maraykanku ay laba maalmood ka hor ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay saddex carruur ah oo keliya, balse ayna jirin xubno ka tirsan kooxdooda oo ku dhintay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews