berberatoday.com
Arsenal Oo Markii 14aad Ku Guuleysatay Koobka FA Cup-ka Kaddib Markii Ay Guul Ka Gaadhay Kooxda Chelsea
August 2, 2020 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Arsenal ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay koobka FA Cup-ka markeedii 14-aad ee taariikhda, kaddib markii ay guul kaga gaartay Kooxda Chelsea 2-1, kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka caalamiga ah ee Wembley.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay garbo siman 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Arsenal iyo Chelsea.

Daqiiqadii 5-aad Kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Christian Pulisic, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Olivier Giroud.

Laakiin daqiiqadii 28-aad Arsenal ayaa heshay gool ku laad, waxaana gool u badelay weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay garbo siman 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 68-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nicolas Pepe.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay Arsenal kooxda Chelsea, waxayna Gunners sidaas ugu guuleysatay koobka FA Cup-ka markeedii 14-aad ee taariikhda.

SAWIRRO:

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews