berberatoday.com
Safiirka Dawlada Shiinaha Ufadhiya Somaliya Oo Safar Ku Yimid Caasimada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Socdaalkiisa!
August 2, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)–Safiirka  Dalka Shiinaha ufadhiya Soomaaliya Amb. Qin Jian ayaa Maanta booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa.

Amb Qin Jian ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa ee Cigaal International kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kuwaasi oo u soo galbiyey gudaha Caasimadda, sida xogaha laga helayaan sheegeen.

Safiirka dawladaha Shiinaha ee Soomaaliya oo Fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaan ujeeddada socdaalkiisa la ogayn, wallow Uu Socdaalkiisa  ku soo beegmayo bil uun ka dib markii Dawladda Somaliland si rasmiya u shaacisay inay xidhiidh la samaysay dalka Taiwan oo Shiinaha ka go’day, arrintaasi oo uu Shiinuhu aad uga cadhooday.

Sidoo kale Amb Mr. Qin Jian ayaa si khaas ah Baraha uu Bulshada ku leeyahay, gaar ahaan Twitter-ka ku baahiya hadallo uu ku muujinayo sida Dawladdiisu uga horjeeddo xidhiidhka Somaliland la samaysay Taiwan, sidoo kalena sidii xidhiidhkaa loo curyaamin lahaa kulamo kala yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Illaa hadda lama oga in Safiirku arki doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in kale.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews