berberatoday.com
Maxaabiis Dagaal Ku Galay Gudaha Xabsiga Muqdisho Iyo Toban Qof Oo Ku Geeriyooday
August 11, 2020 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhinatay dagaal galinkii dambe ee maanta ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho.Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen hawlgal ay ka wadeen sacadihii la soo dhaafay xabsiga dhexe ee Muqdisho oo koox ka tirsan maxaabista ku xiran inta ay hub qaateen ay dagaal la galeen illaalada xabsiga. Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in lix kamid ah kooxdii maxaabiista ee dagaalka ku lugta lahayd la dilay isla markaana la dhaawacay lix kale. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay afar kale oo kamid ahayd maxaabiista dagaalka gashay.

Illo ku dhawdhaw xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in afar ka tirsan ilaallada xabsiga iyana ay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay xabsiga.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta iyo saraakiisha amaankuba ma sheegin sida uu weerarku ku bilowday iyo sida maxaabiista ay ugu suurta gashay inta ay hub qaataan in dagaal sidaa u culus uga qaybgalaan.

Warrarka qaar waxay sheegayaan in mid kamid ah kooxda weerarka qaaday ay u suurtagashay inuu bistoolad ku dilo askari ka tirsan ilaallada xabsiga isla markaana ay u dhaceen bakhaarka hubka ee xabsiga dabadeedna ay halkaas ka gurteen hubka ay ku dagaalameen oo isugu jiray qoryo fudud iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Xabsiga dhexe waxa uu kamid yahay xabsiyada waaweyn ee dalka waxana ku xiran boqollaal qof oo isugu jira xubno ka tirsan Al-Shabaab, askarta dawladda iyo dad rayida oo loo haysto dambiyo kala duwan kuwaas oo intooda badan ay maxkamado xukuno ku rideen halka qaarkoodna ay maxkamad sugayaal yihiin.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews