berberatoday.com
Muran Xasaasiya Oo Dhex-qarxay Degmooyinka Daarasalaam Iyo Arabsiyo Iyo Doorka Maamulka Gobolka Maroodi Jeex!
August 11, 2020 - Written by admin

Khilaaf Dhuleed Oo Ka Dhex Istaadhmay Degmooyinka Arabsiyo Iyo Daarasalaam Kadib Markii maamulka Daarasalaam Socdaal Ku Tageen Deegaanka Dhagax Guure Ee Degmada Arabsiyo Iyo Xogaha Laga Helayo Cida qorshahan dabada ka Riixaysa”

Gabiley(Berberatoday.com)-Muran Xasaasi Ah ayaa  Ka Dhex Qarxey Degmooyinka Arabsiyo Iyo Daarasalaam kadib markii Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam socdaal ku tagay deegaanka Dhagax Guure Ee degmada arabsiyo hoostaga ee gobolka gabiley taasi oo bulshada deegaan kaasi ku dhaqan qaybo kamid ah Ay kulan la qaateen maamulka degmada daarasalaam ee gobolka maroodi jeex.

Talaabada  ay ku kaceen maamulka degmada daarasalaam ayaa abuurtay Muran Xoogan Islamarkaana  Gaadhey Heer Xasaasi ah oo udhexeeya Degmooyinka Arabsiyo iyo Daarasalaam taasi oo  sida wararku sheegayaan ay ka danbaysay Kadib Markii Maamulka Gobolka Maroodi/jeex ku Dhiirigaliyay, Maamulka Degmada Daarsalaam in ay Degmada Arabsiyo ku Qabsadaan Deegaanka Dhagax-Kuure oo katirsan Dhulka Waqooyiga Degmada Arabsiyo islamarkaana aanay jirin wax talaabo ah oo wasaarada arimaha gudaha iyo maamulka gobolka maroodi jeex Ay ka qaadeen arintan muranka culus dhalisay  oo abuuri karta isku dhac labada maamul ah iyo kala qaybsanaan bulshada wada degta deegaankan.

Sidoo kale Talaabadan ayaa  Guux iyo Kacdoon Bulsho ka dhex abuurtey Shacabka Labada Degmo, ayaa lagu Soo Waramayaa in Gudoomiyaha Degmada daarasalaam Si Kalsooni ah u Guubaabiyay, Shacabka Deegaankaasi qaybo kamid ah isagoo, u Sheegay in ay ku Suurtagalinayaan, la Wareegida Deegaanka Dhagax-Kuure Awooda Xukuumada iyo maamulka gobolka maroodi jeex ay ka haystaan kalsooni buuxda wallow aan sicad loo ogayn sobobta xiligan keentay in ay talaabadani qaadaan maamulka daarasalaam  Taasi oo ay ku hawlan yihiin sidii  Degmada Arabsiyo iyo Gobolka Gabileyba laga Wareejin lahaa kamid ahaanshaha deegaanka dhagax guure Ee Deegaanka ay degmada arabsiyo maamusho.

Dhanka kale talaabada ay qaadeen maamulka degmada Daarasalaam ayaa ka hor imanaysa xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee Somaliland wallow Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam sida uu ku  Wargaliyay qaybo kamid ah bulshada ku dhaqan deegaanka dhagax guure ee uu la shiray In Ay  ku Socdaan Amar uu ka helayo Maamulka Gobolka Matoodi/Jeex Cidii ka hortimaadana amaba ka hadashana talaabo laga qaadayo ay suurtogal tahay in ay xilkooda galaafato.

Inkastoo Shacabka Gobolka Gabiley iyo Kan Degmada Arabsiyaba ay Siweyn uga Biyo diideen habdhaqanka Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam haddana ilaa hada Majirto Wax Talaabo ah oo ay Kaga Jawaab Celiyeen Maamulka Heer Gobol Ee Gobolka Gabiley, iyo Kan Degmada Arabsiyo haseyeeshee, ay U Muuqato in ay Tahay Talaabo Xukuumadu Dabada ka Wado oo ogaabshaheedu gaadhsiisan yahay ilaa Heer Madaxweyne laakiin Waxa socda abaabul Xoogan oo ay kaga Jawaabayaan Odoyaasha iyo Waxgaradka Degmada Arabsiyo iyadoo, Dareenka arintanina u Gudubtay ilaa Shacabka Gobolka Gabiley.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews