berberatoday.com
Waa Tuma Haweeneyda Madowga Ah Uu Biden Uxushay Ku Xigeenkiisa?
August 12, 2020 - Written by admin

Kamala Harris

Qoraalka sawirka,Kamala Harris

Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga dimuqraaddiga Joe Biden ayaa u magacaabay Senator Kamala Harris inay noqoto kuxigeenkiisa. Waa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah ee booskan qabata, haddii la doorto.

Tan iyo intii la sadaalinayey cidda jagadan qaban doonta, ayaa senataraddan laga soo doorto California ayaa waxaa muddadaasiba loo arkaayey in ay tahay qofka ugu cadcad booskan.

Mr Biden ayaa wajihi doona Madaxweyne Donald Trump doorashada la filayo inay dhacdo 3 November.

Waa tuma Kamala Harris?

Kamala Harris oo 55 sanno jir ah, Waxay ku dhalatay Oakland, California, waxaana iska dhalay waalidiin muhaajiriin ah oo aabaheed waxa uu ka soo jeedaa Jamaica, halka hooyadeedna ay ku dhalatay dalka Hindiya.

Waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Howard oo ka mid ah Jaamacadaha iyo Machadyada Mareykanka ugu caansan waxayna ka baratay maadada sharciga. Waqtigeedii Jaamacadda Howard waxay ku tilmaantay khibradadii ugu muhiimsan nolosheeda.

Waxay shaqadeedii ugu horreysay ka bilowday xafiiska xeer ilaaliyaha ee deegaanka Alameda.

Sannadkii 2003-dii waxay noqotay dacwad oogaha ugu sarreeya San Francisco ka hor inta aanan loo dooran haweeneydii ugu horreeysay oo Afrikaan ameerikaan ah ee noqota xeer ilaaliyaha guud ee gobolka California oo ah gobolka ugu dadka badan Mareykanka.

Ms Harris waxay sheegeysaa iney markasta aad ugu faraxsantahay jinsiyadeeda, waxayna iyada isku tilmaanatay iney tahay muwaadin Ameerikaan ah.

Kaddib muddo sideed sannadood ah oo ay ahayd xeer ilaaliyaha guud ee California Ms Harris waxa ay ku biirtay xisbiga Dimuqraadiga, halkaas oo ay sumcad weyn ka sameeysay oo ay noqotay xidig hankeedu uu aad u sarreeya.

Bilowgii sannadkii la soo dhaafay ayaa waxay shaacisay musharaxnimadeeda Madaxweynaha Mareykanka iyadoo oo hortaagan dad ka badan 20,000 oo qof.

Waxay si isdaba joog ah doodo ugu kulmeen Mr Biden intii lagu jiray doodihii isreebreebka doorashada xisbiga dhexdiisa, gaar ahaan waxay si gaar ah ugu dhalleeceysay xidhiidhka uu la lahaa senatarradii hore ee door bidey kala sooca iyo cunsuriyada.

Sannadkii 2019-kii, waxay wargeyska Washington Post u sheegtay in siyaasiyiinta qaar aysan u qalmin iney qabtaan jagooyinka qaar sababo la xiriira midabkooda iyo halka ay ka soo jeedaan.

Senator Kamala Harris iyo walaasheed Maya Lakshmi Harris

Markii ay kala tageen waalidiinteeda waxaa carmalnimo ku soo korisay hooyadeed oo ah cilmi baare cudurka kansarka. Waxaa la dhashay gabadh lagu magacaabo Maya oo ah da’da ku xigta.

Qoraalka sawirka,Senator Kamala Harris iyo walaasheed Maya Lakshmi Harris

Markii ay kala tageen waalidiinteeda waxaa carmalnimo ku soo korisay hooyadeed oo ah cilmi baare cudurka kansarka. Waxaa la dhashay gabadh lagu magacaabo Maya oo ah da’da ku xigta.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews