berberatoday.com
Belarus”Haweeney Musharrax Madaxweyne Aheyd Oo Dalkeedda Uga Carartay Caruurteed Awgood
August 12, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hogaamiyaha mucaaradka dalka Belarus ayaa sheegtay inay qaadatay go’aan adag oo ah inay isaga baxdo dalkeeda, kaddib markii ay ka hor timi natiijadii doorashada oo ku anddacootay in lagu shubtay.

Muuqaal ay barta Youtube soo gelisay waxay Svetlana Tikhanovskaya ku sheegtay in carruurteeda dartood ay go’aankaas u gaadhay xilli habeenkii labaad ay Belarus ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijada doorashada, waxaana dibadbaxyada ku dhintay hal qof.Waxaa sidoo kale soo baxay muuqaal labaad oo muujinaya iyadoo warqad wax ka akhrinayso xilli la xidhay.

Waxay sheegtay in go’aanka ay iyadu qaadatay aanay jirin cid ku qasabtay ama dadka qaar ay ugu baaqeen in dalka ay isaga cararto”Carruurta waa waxa ugu muhiimsan nolosheena” ayay tidhi.Ms Tikhanovskaya ayaa carruurteeda geysay dalka Lithuania ka hor inta aysan doorashada ka dhicin Belarus.

Gabadhan oo lagu magacaabo Svetlana Tikhanovskaya ayaa ka mid ahayd saddex haween ah oo noolashooda khatar u geliyay siyaasad darteed.Waxay loolan kula jirtay Madaxweyne Lukashenko oo dalkaas ka talinayay tan iyo sannadkii 1994-kii.Svetlana Tikhanovskaya wey badqabtaa haataan waxay ku sugan tahay dalka Lithuania, waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Belarus.

Natiijadii doorashada ee la shaaciyay, madaxweynaha haya taladda wuxuu boqolkiiba 80 ku guuleystay codadkii la dhiibtay, waxaana soo baxayay warar sheegayo in ku shubasho ay jirtay.

Dibadbaxyo rabshada wata ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacay Belarus, tan iyo markii doorashadu ay dhacday waxaa lasoo tebiyay wararka ah in booliska ay tacaddiyo geysteen.

Ms Tikhanovskaya oo 37 jir ah ayaa ku dhawaaqday in loolan ay la galeyso madaxweynaha kaligii taliska ah kaddib markii seygeeda la xiray isla markaana laga hor istaagay in codkiisa uu diiwaan geliyo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews