berberatoday.com
“Dadkii La Tooganayay Ayaan Ku Jiray Si Mucjiso Ah Ayaana Ku Badbaaday”Cali Xuseen Khaadim Oo Shiici Ciraaqiya Ah
August 12, 2020 - Written by admin
.

Saddex sano kaddib markii ay ciidamada Mareykanka ka baxeen dalka Ciraaq, waddankaas wuxuu 2014-kii mar kale galay dagaal cusub. Xilligan waxay dowladda Ciraaq la dagaallameysay kooxda Isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee loo yaqaanno “Daacish”.

Cali Xuseen Khaadim, oo ahaa asakari ka tirsanaa ciidamada Ciraaq, sidoo kalena ah Shiici Muslim ah, ayey xoogagga IS ku qabteen magaalada Tikrit ee dalka Ciraaq, bishii June ee sanadkii 2014-kii.

Wuxuu BBC-da uga warramay sidii mucjisada ahayd ee uu uga badbaaday dadkii la tooganayay ee uu isagana ku dhex jiray. Cali wuxuu sheegay inuusan waligiis illoobi doonin wixii ku dhacay isaga iyo 1,700 oo ah askartii tababarka ku jirtay.

Askartii uu ka midka ahaa – oo badankood dhalinyaro ahaa – ayaa saf la wada galiyay, waana la toogtay.

24-kii bishii June, 2014-kii ayey mintidiinta isku magacaabay Dowladda Islaamiga ah(IS) dileen boqollaal dhallinyaro ah oo ku biiray ciidamada Ciraaq, kuwaasoo lagu tababarayay xerada Speicher.

Laakiin Cali Xuseen wuu ka badbaaday dhacdadaas. Tanina waa sheekadiisa.

Iraqi soldier Ali Hussein Kadhim
Qoraalka sawirka,Cali Xuseen Khaadim, oo ka tirsanaa milatariga Ciraaq wuxuu ka badbaaday xasuuq

“Marka aan is eego, wax walba dib ayaan usoo xasuustaa. Waxaa igu soo dhacda sidii aan ku badbaaday. Siduu uu Alle iigu badbaadiyay dadkii la leynayay dhexdooda,” ayuu yidhi Xuseen.

“Dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah oo i heystay awgood ayaan ugu biiray ciidanka milatariga Ciraaq. Ma jirin shaqo kale oo aan ka heli karo lacag aan ku caawiyo qoyskeyga,” ayuu yidhi.

Cali wuxuu ku nool yahay magaalada Diwaniyah, oo koonfurta ka xigta caasimadda Baqdaad. Guud ahaan gobolkaas dadkiisa intooda badan waa shiico.

Maalmo ka hor inta uusan dhicin weerarka IS ayuu Cali tababar ka billaabay xerada Speicher.

“Dhammaan saaxiibbadey iyo qoyskeygaba waxay igu dhaheen, ‘ha aadin xerada Speicher, sababtoo ah waxay ku taallaa magaalada Tikrit, oo ah meeshii uu ku dhashay Saadaam Xuseen, dadkii saxiixay amarkii lagu dilay Saadaam waxay ahaayeen Shiico'”.

.

Isagoo labolabeynaya ayuu iska aaday Tikrit.

“Runtii waan cabsanayay markii aan baxayay. Markii aan tagay magaalada, oo aan arkay in dadka sunniyiinta ah badankood ay fiican yihiin, aad baan ula yaabay sababtoo ah waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan arko qof Sunni ah.”

12-kii maalmood ee ugu horreysay intii uu ku jiray xerada waxay ahaayeen kuwo caadi ah. Laakiin markaas wixii ka dambeeyay wax walba waxay isu baddaleen si lama filaan ah.

Islamarkii ay kooxda IS tagtay magaalada Tikrit, inta badan askartii saldhigga ku sugneyd way carareen. Waxayna goobtaas uga tageen kumannaan dhalinyaro an oo aan wali tababaranin.

“Waxaan xirannay dharkii shacabka, waana isaga tagnay xerada, annagoo iska dhigeyna rayid. Xoogaggii IS ayaa noo yimid, waxayna nagu dhaheen, ‘soo dhawaada, annagu waan heysannaa hub laakiin waxba idinma yeeleyno, ha baqina, waxaan idin geyneynaa xarunta madaxtooyada, si aad halkaas ugu dhaarataan in aydaan dib dambe ugu laaban doonin ciidanka'”, ayuu yidhi Xuseen.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii IS waxay qeyb ka ahaan jireen dowladdii Saadaam.

.

Markii la tagay qasrigii madaxweynaha, waxay iska fasaxeen dhallinyaradii Sunniyiinta ahaa ee ka midka ahaa askartii tababarka ku jiray.

Laakiin waxay kaxeysteen kuwii Shiicada ahaa, oo Cali Xuseen uu ku jiray.

“Si fiican ayaan u xasuustaa qaabkii uu wax u dhacayay. Nin ka mid ah kooxda IS ayaa isagoo qeylinaya nagu yidhi, ‘Waxaan idinka aarsaneynaa wixii aad ku sameyseen Saadaam, waan idin gowraceynaa’, waxaan maqlayay dhawaaqa rasaasta.”

“Nin ka mid ah IS ayaa soo kor istaagay safkii aan ku jiray, wuxuuna billaabay inuu mid mid u toogto dadkii aan ku jiray. Markii uu toogtay qofkii saddexaad ee igu xigay, dhiiggiisa oo diirran ayaa igu daatay. Waxaan maqlay xabaddii loo waday qofkii afaraad, oo ah aniga, laakiin ma garanayo meesha ay aadday rasaastaas.”

Cali oo farta ku fiiqaya muuqaal uu isaga ku jiro. qofka uu fartiisa ku aaddiyayna wuxuu sheegay inuu isaga yahay
Qoraalka sawirka,Cali oo farta ku fiiqaya muuqaal uu isaga ku jiro. qofka uu fartiisa ku aaddiyayna wuxuu sheegay inuu isaga yahay

“Markii uu dhammaan dadkii wada toogtay wuu ka dhaqaaqay meeshii. Wax yar kaddib askari ayaa yidhi, ‘ninkan wali wuu neefsanayaa, wali wuu nool yahay’, ninka uu ka hadlayana waa aniga, kaddib ninkii hoggaamiyahooda ahaa ayaa yidhi, ‘iska daaya, waa nin aan muslim ahayn oo shiico ah, dhiigbax ha u dhinto, ha dareemo xanuunka’, laakiin aniga ma aanan dhiigbaxeynin, rasaasna iguma dhicin, waxaa korkeyga ka buuxay dhiigga dadkii kale ee la laayay.”

“Meesheyda ayaan iska jiifay ilaa inta uu gabbalka ka dhacayay, oo ay habeen ka noqoneysay. Dhagaheyga oo dhan dhiig ayaa ka buuxay, saacado badanna waxaan dhex jiifay meydadka dadkii halkaas lagu laayay.”

“Alle ayaa mahad ku leh inaan dib ugu laabtay qoyskeyga,” “Ma hilmaami doono wixii aan arkay maalintaas, mana aha wax si sahlan lagu illoobi karo.”

Ilaa 1,700 oo askartii tababarka ku jirtay ah ayey dileen xoogaggii IS. Xuseen wuxuu ku jiraa dadka faro ku tiriska ah ee ka badbaaday xasuuqaas.

Xigasho BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews