berberatoday.com
Ilhaan Cumar Oo Mar Kale Ku Guuleysatay Kursiga Xisbigeeda Dhexdiisa Ee Tartanka Aqalka Golaha Wakiillada Mareykanka
August 12, 2020 - Written by admin
.

Ilhan Cumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.

Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.

Taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay:

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump.

Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya kasoo jeedda ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Marerykanka.

 

Xigasho BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews