berberatoday.com
Xukumada Sudan Oo Shaqadii Ka Caydhisay Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Debeda Dalkaas Oo Ka Hadlay Xidhiidh Dawladiisu La Sameyn Doonto Israa,il Iyo Waxay Xukumada Somaliland Ka Baran Karto
August 19, 2020 - Written by admin

Khartoum(Berberatoday.com)-Dawlada dalka Sudan ayaa shaqadii ka caydhisay afhayeenkii Wasaarada Arimaha Debeda ee Xukumada Khartoum Haydar Badawi kadib markii uu ka hadlay arimo diblomaasiyadeed aan loo igman xukumadiisuna aanay raali ka ahayn waxaanu sheegay in dawladiisa Sudan u gogol xaadhayso heshiis dhinaca xidhiidhka nabad galiyada ah ay la saxeexan doonto dawlada Dawlad Israa,iil isagoona xusay afhayeenka shaqada laga caydhiyay inuu jiro xidhiidh dhinaca isgaadhsiinta ah oo Madaxda labada dawladood kuwada hadleen kagana xaajoodeen xidhiidhkaas.

Arintan markii ay soo baxday waxa ka cadhootay dawalada Dalka Sudan iyo shacabkeeda waxaanay sababtay in si deg deg ah shaqada looga caydhiyo Haydar Badawi oo ahaa Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Debeda Dalka Sudan waxaanay Xukumada Dalkaasi ku eedeysay Masuulkan xilka laga qaaday inuu galay shaqo aan loo diran Dawlada iyo shacabka dalkaasina aanay raali ka ahayn in masuul kastaa ka hadlo shaqo aan loo igman awoodna loo siinin inuu ka hadlo meel kadhacna ku ah Dawladnimadooda.

Xukumada Somaliland Maxay Ka Baran Kartaa Masuulka shaqada Laga Caydhiyay ee Galay shaqada aan loo dirsan?

Baashe Cawil Cumar oo ah Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya ayaa dhawaan isaga oo afka Xukumada Somaliland ku hadlaya kuna sugan dalka Imaaraatka Carabta Taageeray Heshiiska dhexmaray wadamada Imaaraatka Carabta iyo Israa,il isaga oo sheegay in Xukumad ahaan ay heshiiskaas garab taagan yihiin mana jirto meel ay Xukumada Somaliland ku taageertay Heshiiskaas oo ay ku cadaysay waxa uu ahaa hadal kaligii kasoo yeedhay oo ku kooban. sidoo kalen Baashe Maaha Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraatka waxase uu dano dhaqaale shantii Bilood ee udanbeeyay ugu sugnaa Dalkaas uu kaga mashquulay shaqadii loo igmaday isagoo hore Wakiilka Somaliland uga soo noqday Imaaraatka hanti badana ka tabcaday heshiisyadii lagu wareejiyay Dekeda Berbera iyo bixintii Saldhiga Ciidan ee Madaarka Diyaaradaha Berbera laga sameynayo.

Haddaba Madaxweyne Muuse Biixi Miyaanay u eegayn inuu Talaabo ka qaado sida Haydar Badawi Baashe Cawil-kan shaqada aan loo diran layskuna ogayn galay isaga oo afkii Xukumada Somaliland Ku hadlaya ka dhawaajiyay inay Somaliland ku faraxsantahay heshiiska labadan dal.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warka Afhayeenka Wasaarada Arimaha Debeda Sudan Ee Shaqada Laga Caydhiyay oo ay Qortay Alarabiya.net English-na Ku Qoran.

htthttps://english.alarabiya.net/en/News/north-africa/2020/08/19/Sudan-fires-spokesman-after-Israel-remarks?fbclid=IwAR0eRrs6pf3roFGhtxAXYjSh90-7GmEqbM2ICDTHPecUSFky6Pfsl9yr6Is#.Xz0dYDsWJ2s.whatsappps://english.alarabiya.net/en/News/north-africa/2020/08/19/Sudan-fires-spokesman-after-Israel

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews