berberatoday.com
Taariihkhda Doorashooyinkii Somaalilaan u qabsoomay 29 Sanadood ee la soo dhaafay iyo Saadaasha Doorashooyinka Soo socda qalinkii A/rahman fidhinle UK
September 1, 2020 - Written by admin

Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay  29 -kii Sanadood ee la soo dhaafay waa taariikh xusuusteeda leh oo diiwaanka gashay.

1-  Doorashadii shir-beeleedka  ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay  Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib  iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne  loo doortay oo ku guuleystay  marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa  waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba.
2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira.
-Taariikhdu marka aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee  gooni isu taaga Somalilaan la qaaday,  shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1%  waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya.
3- 15 kii December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye.
4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed  Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 %  Ahmed  Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo 
5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen  sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan.
6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay  33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % .
7–  15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye.
8– Doorashada madaxtooyada ee dhacaday  13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah  4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadaas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah  ” umaan tanaasulin Muse Biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo”
9- Waxaa maanta fadeexad qaawan ku ah Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee Somaalilaan ku taameysay mudada dheer iyada oo sadexdii Gole doorasho uu waqtigoodii iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan:  Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 11 sanadood .Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan  sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 23 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iyaga noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012 si ay kuraasta ugu fadhiyaan  sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 3 sandood, ku waas oo maanta  kuraasta ugu fadhiya sife qayrul sharci ah.
Hadaba Su’aasha qarnigu waxay tahay Doorasho ma ku dhacaysaa sanadka  soo socday  bishiisha May 2021, Boowe Jawaabtu idinka lee waaye !! Dimuqraadiyadu maaha Doorasho kuraasta laysku bedelo markii la doono ee Dimuqraadiyadu waa ka qaybgalka guud, metelaada guud, go’aan qaadasho isku dheeli tiran iyo in danaha guud ee ummadda  la wadareeyo oo laga hor mariyo danaha gaarka ah. Xalka Somaalilaan maanta waa in la helaa Nimaad iyo System shaqeeya oo ummadda kala haga. Xukuumadana waxaa looga fadhiyaa in ay iswaafajiso Caqiidadeeda Siyaasadeed  iyo dhaqanka Dimuqraadiyada Doorashooyinka Somalilaan, si doorashadu waqtigeeda ugu qabsoonto Waa in xukuumadu  xalisaa xurgufta siyaasadeed ee ka taagan Saami qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada iyo Kootooyinka Haweenka iyo beelaha laga tirade badan yahay.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews