berberatoday.com
Ancelotti Oo Mourinho Ka Jabiyay Taariikh Aanu Tababare Kale Soo Samayn
September 14, 2020 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Kooxda Everton ee xagaagan sida wayn uu u dhisay Carlo Ancelotti ayaa natiijo layaableh ku bilaabatay xili ciyaareedkan cusub ee Premier league kadib markii ay guuldaro xanuun badan garoonkeeda ugu xambaarisay kooxda Jose Mourinho ee Tottenham.

Jose Mourinho iyo Carlo Ancelotti ayaa markii 7 aad ee waayahooda tababranimo iskaga hor yimid kulankii dhex maray kooxaha Everton iyo Tottenham laakiin kulamadii hore waxay kala hogaaminayeen kooxo waa wayn oo ka heer sareeya kooxa ah hadda Premier League ugu kulmeen.

Jose Mourinho iyo Carlo Ancelotti ayaa kulanka Everton iyo Tottenham iska hor imanayay iyaga oo 10 gool oo kaliya ay kooxahoodii hore iskaga soo dhaliyeen 7 kulan iyada oo waliba 4 kulan oo hore ay ku dhamaadeen 1-0 waana isla natiijada ay markale taariikhdu dib u soo celisay.

Ad by Valueimpression

Shan koob oo Champions League ah ayay ku soo guulaysteen Carlo Ancelotti iyo Jose Mourinho laakiin waxay markan doonayeen in ay guushii ugu horaysay ee Premier Leauge ee xili ciyaareedkan ay gaadhaan taas oo aan labada tababare ka wada farxin.

Qaybtii hore ee kulanka Tottenham iyo Everton ayaa ahaa mid barbaro gool la’aan ah lagu kala nastay waxaana fursadii ugu cajiibsanayd qaybtii hore kooxda Everton ka khasariyay Richarlison kaas oo fursad gool loo fishay si lama filaan ah u khasaariyay.

Richarlison ayaa dhulka dhigay goolhaye Hugo Lloris laakiin kubbada uu goolka oo madhan ku dhalin lahaa ayuu awoodi waayay in uu shabaqa taabsiiyo waxayna ahayd dhacdo aanu Carlo Ancelotti jeclaysan.

Laakiin qaybtii labaad ayay Everton jabisay is mari waagii ciyaarta kadib markii uu Dominic Calvert-Lewin daqiiqadii 55 aad dhaliyay goolka uu Carlo Ancelotti ku helay gacanta sare ee uu Jose Mourinho cadaadiska badan ku dareemay.

Dominic Calvert-Lewin oo gool la’aan ku soo jiray10 kii kulan ee Premier league ugu danbeeyay ayaa Tottenham culays wayn ku saaray goolka uu Everton hogaanka ugu dhiibay wuxuuna noqday gool ay Spurs iska soo celin kari waayeen.

Isbadal kasta oo uu Jose Mourinho sameeyay iyo taatiko kasta oo uu badalay waxay kooxdiisa Tottenham oo marti loo ahaa awoodi kari wayday in ay iska soo celiso goolka  Dominic Calvert-Lewin. Saxiixyada magaca waa wayn ee uu James Rodriguez ka mid yahay ee uu Carlo Ancelotti keensaday Everton ayaa kulankan ka soo muuqday.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Everton ku garaacday Tottenham waxayna kooxda xili ciyaareedkan sida wayn isku soo hubaysay ee Everton ay ku bilaabatay guul saamayn dhab ah oo fiican xili ciyaareedkan ay ugu bilawdeen.

Laakiin Jose Mourinho iyo kooxdiisa Tottenham ayaa kulankoodii ugu horeeyay ee Premier League waxay ku kufeen garoonkooda taas oo keeni karta in ay xaalad xun ku sii abuurto.

Waa markii ugu horaysay taariikhda ee uu Jose Mourinho guuldaro ku furtay xili ciyaareed cusub ee kulan horyaal ah waxaana rekoodhkan xun u sameeyay Carlo Ancelotti.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews