Xaqiiqda Arinta Hadalhaynta Loolanka Lagaliyay Kursiga Gudoomiyaha 4aad Ee Xisbiga Kulmiye!FAALLO.
September 15, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Arintan,Indhawaale Ku Cusbayd Xisbi Xaakimka Kulmiye oo Gabi ahaanba si aad ah Loo Hadalhayay, dhaq-dhaqaaqyada Diyaar garawga Shirweynaha Kulmiye ee Bisha Okroobar La Qaban Doono, oo ah Mid Loolan Lagu Galiyay Gudoomiye/Kuxigeenka 4aad Ee Xisbiga Kulmiye oo Lagu Koobay Lookanka Ka Dhici Doona Shirkaasi Islamarkaana, Lagu Gaar Yeelay in ay Ku Tartamaan Madaxweyne/Kuxigeenka Cabdiraxmaan-Saylici iyo Wasiiradda ay Kasoo Wada Jeedaan Gobolka Awdal iyo Beesha Samaroon, oo aheyd Mawduuc Si Aad ah Uga dhex Muuqdey Qabanqaabada Shirka maadaama, Aan Lagu Tartameyn Jagooyinka Kale Ee Xisbiga ayaa aheyd Mid Marka hore Taladeeda iyo Damaceedu ka Yimid Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed,iyo Wasiirka Ganacsiga taas oo ay ula Tageen Madaxweyne Biixi uguna Sheegeen, in (Madaxweyne/Kuxigeenku), Cabdiraxmaan-Saylici uga Tanaasulayo Marba hadii aanu Mar sadexaad u Tartami Doonin Jagada Madaxweyne/Kuxigeenka si Wasiir Saajin Hadhaw labadaa Kursi isugu Qaato, taas oo uu Ka Aqbalay Madaxweynuhu Balse, Markii Si aad ah Looga Hadley isaguna ogaaday inaan Saylici ka Tanaasuleyn Kursiga Hogaanka Xisbiga Kulan uu Goobjoog ka ahaa Ay Isugu Yimaadeen Arintaasina Beenowdey.