berberatoday.com
Madaxwaynaha Somaliland Oo Golayaasha Qaranka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga.
September 16, 2020 - Written by admin

TACSI MADAXWEYNE: 15/09/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur oo ku geeriyooday maanta Dalka Turkiga, Magaalo madaxdiisa Ankara.

Marxuumka oo ku dhashay magaalada Oodweyne ee Gobolka Daadmadheedh 1950-kii, waxbarashadiisiina ku qaatay dalka gudihiisa, ahaana macalimiintii ugu horaysay ee Jaamacadii Lafoole ka soo baxa, Kana mid ahaa bahda waxabarashada xilligii dawladdii Soomaaliya la isku keen odhan jiray, xilal kala duwana ka soo qabtay wakhtiyadii kala danbeeyey, isagoo markii dalka lagu soo noqdayna ahaa kormeerayaashii lagu furay wasaarada waxabarashada ee gobolka Togdheer, ilaa loo doortay xildhibaan baarlamaan 2005 oo uu ahaa ilaa hadda oo uu geeriyooday.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday waayo arag ah oo ka baxay qaranka Somaliland taariikh ma mugweyna ku lahaa bahda waxbarashada dalka iyo golayaashii uu ka mid ka ahaa sannadihii u danbeeyey, kaalin wax ku oolana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews