berberatoday.com
Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Ucid Marxuum Profesor Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec Oo Borama Ku Geeriyooday
September 17, 2020 - Written by admin

Borama(Berberatoday.com)-Alle Ha Unaxariistee Waxaa Caawa Magaalada Boorama ku Geeriyooday Gudoomiye Kuxigeenkii Kowaad ee Xisbiga Ucid Marxuum Prof Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec oo Ugeeriyooday xanuun kusoo booday.

Waxaana Geerida Gudoomiye kuxigeenkii koowaad ee xisbiga ucid ka hadlay Xisbiga ucid oo uu kamid ahaa hogaankiisa kuwaasi oo tacsi udiray qoyskii iyo shacabka reer Somaliland ee Uu Ka Baxay.

Sidoo kale waxaa tacsi taa lamid ah udiraya qoyska iyo shacabka uu ka baxay Marxuum Prof Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec Gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro oo marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa adoon wanaagsan mudadii uu katirsaan xisbiga wadani uu ahaa masuul samo talis ah isagoo wakhti xaadirkana ahaa Gudoomiye xigeenka kowaad ee xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Somaliland ee Ucid.

Gudoomiyaha xisbiga wadani oo ka hadlay geerida Gudoomiye kuxigeenkii koowaad ee xisbiga ucid Prof qaasim ayaa wuxu yidhi;

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Runtii waa geeri naxdin leh, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, waxgaradka & waayeelka reer Awdal, asxaabta, bahda Xisbiga UCID, iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiye Kuxigeenkii 1aad ee Xisbiga UCID Marxuum Proff Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec oo goor dhaweyd ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta muddakarka ee Qarankani lahaa, ka hor inta aanu UCID tagin, waxa uu ahaa xubin ka tirsan hoggaanka Xisbiga WADDANI oo aanu muddo soo wada shaqeynay, waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaan saadaq ahna ha inaga wada siiyo. Aamiin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews