Xiisadda Qaza Oo Kacsan Iyo Xamas Iyo Israa’iil Oo Madaafiic Is Waydaarsaday
September 17, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dagaal u dhaxeeya mintidiinta Falastiiniyiinta iyo Militariga Israa’iil ayaa laga soo sheegayaa marinka Qaza, ka dib xafladdii Washinton ka dhacday oo ay heshiis ku kala saxeexdeen laba dal oo kuwa gacanka Carbeed iyo Israa’iil.Mintidiinta Falastiiniyiinta ayaa waxay labo Madfac ku rideen dhanka Israa’iil.Mid ka mid ah gantaaladaasi ayaa waxaa u ku dhacay magaala xeebeedka Ashdod, halkaasi oo labo nin ay ku dhaawacmeen.Falastiiniyiinta ayaa waxay sidoo kale shalay 13 gantaal ku ganeen dhanka Israa’iil.
Militariga Israa’iil oo ka jawaabayay ayaa waxay duqeeyeen magaalada Qaza, gaar ahaa sida ay sheegeen goobo ay ku sugnaayeen kooxda Xamas“Lama yaabani in argagixisada Falastiiniyinta ay gantaalo ku soo rideen Israa’iil xiilli xaflad taariikhi ah ay socotay,” waxaa sidaasi wariyayaasha Washinton ugu sheegay rai’isul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.