“Hanti-dhawrka Guud Wuxuu u Taaganyahay Ilaalinta Hantida Qaranka” Kuxigeenka Hanti Dhawrka Guud Sacad Riiraash
September 19, 2020 - Written by admin
“Hanti-dhawrku shaqadiisa wuu u madax-bannaan yahay”
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ku xigeenka Hantidhawraha guud ee Qaranka Sacad Cabdi Cabdillaahi Riiraash, ayaa sheegay in hanta-dhawrka guud ee qaranku uu u madax-bannaan yahay shaqadiisa, isla markaana ay si sax ah oo aan faro gelin lahayn ay u gudan karaan hawshaa ay qaranka masuulka uga yihiin
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay qalabka shaqada lagu qabanayo si weyn ay u horumariyeen, isla markaana ay shaqaalahana aqoontooda kor u qaadeen oo ay dhiseen muddadii uu xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana imika ay awood u leeyihin xafiis ahaan in ay baadhitaano ka sameeyaan dhammaan laamaha dawladda ee dalka.