berberatoday.com
Xanuunka Covid_19 Oo U Muuqda Inuu Ku Soo Laba-kacleeyay Somaliland & Khatarta Illaa Hadda Jirta
October 15, 2020 - Written by admin

Laga Bilaabo Bishan October, 100-ka Qof ee Xanuunkan laga baadho waxa laga helayaa 10 Qof ama in ku dhow

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xanuunka Dunida aadka ugu faafay ee Covid_19 ayaa u muuqda inuu dib ugu soo laba-kacleeyay Somaliland.

Waxa soo badanaya Dadka uu soo ridanayo xanuunka oo markii hore la aaminsanaa inuu ka dabar go’ay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo la xidhiidha in Xanuunku soo laba-kacleeyay oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ama Hay’adaha kale ee qaabilsan ka hor-tagga Xanuunkan, balse ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Goobaha lagu sameeyo Shaybaadhka Xanuunka Covid_19 ay ku soo badanayaan Dadka laga helayaa.
Xogta uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaysa in bishii hore marka 100 Qof laga baadho Xanuunka Covid_19 laga helayey 1 Qof ama dhammaantood aan laga helayn, balse bishan October ayaa Xaaladdu isbeddeshay waxaana la sheegay in 100 Qof ee la baadho 10 ka mid ah laga helayo ama in ku dhow, taasi oo muujinaysa khatarta jirtaa inta ay leeg tahay.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Xanuunkaasi ayaa markii ay qaadeen Xayiraadihii lagu soo rogay Dadweynaha, waxay ku taliyeen in Dadku feejignaado isla-markaana aanay deynin isticmaalka Gacmo-gashiga iyo Af-saabka, laakiin Talooyinkaasi Dadka qaatay way yar yihiin

 

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews