Wasiir Axmed Shide Oo Sheegay In Dawladdu Ay Joojisay In Shirkada Ethiopian Airlines La’ Madaxbanaaneeyo
October 16, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday shalay inay joojisay in shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian laga madaxbanaaneeyo dawladda, taas oo ah shirkada ugu balaadhan qaarada.
Dawlada Ethiopia ayaa laba sano ka hor ku dhawaaqday in ay si buuxda ama qayb ahaan ay madaxbanaanaynayso laba shirkadood oo qaranka Ethiopia leedahay oo ay ku jiraan shirkadaha Ethiopia Telecom iyo Ethiopian Airlines.
Wasiirka Maaliyada Ethiopia Axmed Shide ayaa shir jaraa’id oo uu wariyeyaasha u qabtay maanta waxa uu ku sheegay in si fiican ay u socoto in shirkadda Isgaadhsiinta ee Ethiopian Telecom in dawlada laga madaxbanaaneeyo, isla markaana saddexda bilood ee soo socda ay noqon doonto shirkadd dawlada ka madaxbanaan (privatized).