Golaha Wasiirada Somaliland Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanaya Go,aanka Ay Xukuumadu Markale Ka Qaadanayso Shirkadaha Fly Dubai Iyo Al Carabiya Oo Ka Horyimid Qawaaniinta Dalka’
October 17, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Tan iyo intii xukuumada somaliland Xayiraada Saartay Shirkadaha Diyaaradaha Ee FLY DUBAI IYO AL CARABIYA kadib markii ay ka amar qaateen maamulka somaliya oo Ay ka haystaan Ruqsada ogolaanshaha ay somaliland kaga shaqaynaysanayeen ayaa waxaa labadii bilood ee ugu Danbeeyay Gudaha Somaliland ka socday Abaabulo ay wadaan Wakiilada Somailand Ujooga labadan diyaaradood kuwaasi oo xukuumada cadaadis Qabiilaysan Ku saarayay in ay xayiraada ka qaado labadan shirkadood ee Fly Dubai Iyo Al Carabiya oo iyagu si badheedh ah uga hor yimid shuruucda dalka halka aanay wali Somaliland wax xidhiidh ah arimahani kala soo samaynin dawladaha leh shirkadahan diyaaradaha.