Siyaasi Cali Guray Oo Markale Ka Digay Khatarta Shirkada Tragura Oo Xukuumada Somaliland Damacsan Tahay In Ay Ku Wareejiso Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera.
October 17, 2020 - Written by admin
MAXAA RUN AH, MAXAAN AHAYN, MAXAA DAN AH EE UGU JIRA SOMALILAND.
Marka hore ma jiro wax cadaynaya in shirkadani ay ku lug leedahay aasidda qashinka Nuclear Waists hase yeeshee waxa jira qashimo sumo ah oo la xaqiijiyay in ay ku aastay dalka Aviary Coast iyo shixnad isla qashimadaa sumaha ah oo markab ay ugu rartay dalka Norway oo la qabtay. Shirkadda Travigura oo ka ganacsata saliidda ayaa la cadeeyay in ay xogogaal u ahayd in qashimadaasi ay ku jirtay maadado halis ahi sida lagu cadeeyay dokomenti sir ah oo ay shirkaddu lahayd loona bixiyay Warbixintii Milton (Minton-report) oo ay heleen qaar ka mid ah warbaahintu sida The Norwegian Broadcasting Cooperation.