berberatoday.com
Maxay ku kala duwan yihiin Jaamacadaha Gaarka loo leeyahay iyo Jaamacadaha Dawladu maalgeliso – qalinkii A/rahman fidhinle UK
October 18, 2020 - Written by admin
Aqoontu waa ruuxiyaadka hogaamiya binu-adamka taas oo shaqsiga horumarkiisa ku hagta kuna hanuunisa. Waxabarashadu waa xuquuq aas aasiya waxaanay kobcisaa oo balaadhisaa caqliga iyo karaamada shaqsiga, waxay qaabeysaa nolosha qofka, waxaana ay u horseedaa  in qofku uu gaadho horumar iyo badhaadhe uu noloshiisa horumar ku maareeyo. Maanta Somaalilaan waxaa baaba’ay noloshii macalinka maadaama uu musharkii macalinku uu ka yaraaday mushaharka shaqaalaha nadaafada ka shaqeeya  taas oo macalinkii iyo maamulihiisiiba ku kaliftay in ay lacag aan loo meel deyeyn ardeyda ka qaataan  si ay noloshooda ugu deberaan.
Sida Caalamka oo kale waxbarashada iyo Sabool nimada xidhiidh weyn ayaa ka dhaxeeya.JSL hadii waxbarashada dhalinyarada dan yartu kor u kacdo waxay noqon kartaa dariiq sahlan oo faqiirnimada lagaga bixi karo.. Waxbarashadu waxay fure u tahay dhisme dhaqaale casri ah oo ku saleysan aqoon cokan waana udub-dhexaadka horumarineed ee ummadded. Haddii aan gacanta la wada gelin waxbarashada dawliga ah  oo aan si cadaalad ah loo wadaagin dalku wuxuu noqonayaa dabaqado kala sareeya oo isku dulnool oo is dulmiya.
Somaalilaan  Waxaa si hufan uga hawl gala 28 Jaamacadood , aqbaliyada Jaamacadaha Somaalilaan waa kuwo gaar loo leeyahay oo macaash-doon ah,  Waxaana hada daaladhacaaya 3 Jaamacadood oo aan iyagu ku jirin 28-ka jaamacadood laakiin liisankoodii  haysta, Waxaana saqiiray oo Albaabada loo laabay  aftartii sanadood ee la soo dhaafay 4 Jaamacadood. Jaamacadaha dawliga ah oo gaadhaaya ila 7 Jaamacadood ayaan ilaa hada fiigooda iyo hab-dhaqankoodu ka duwanayn Jaamacadaha macaash-doonka ah ee gaarka loo leeyahay . Hadaba Wasaaradda Waxbarashada  Soomalilaan waxaa looga fadhiyaa  in ay kala saarto Jaamacadaha dawladu maal geliso iyo Jaamacadaha gaarka loo leeyahay sida ay u kala duwan yihiin dugsiyada Dawliga ah  iyo Dugsiyada  gaarka loo leeyahay.
1- Jaamacadaha Dawliga ah ee  Dawladu miisaaniyada buuran siiso waxaa ka mid ah   Jaamacada Hargeisa, Jaamacada Camuud, Jaamacada Burco , Jaamacada Nugaal, Jaamacada Ceerigaabo iyo Jaamacada Maakhir. Waxaa  loo baahan yahay in Jaamacadaha Dawladu miisaaniyada siisaa in ay fuliyaan qodobadan hoose :
 – Waa in ardeyda  danyarta  ah ee waxbarashada Dugsiyada sare heerka sare ka galay ay siiyaan waxbarasho bilaash ah
–  Gaar ahaan waa in Jaamacadaha Dawladu ay mudnaan gaar ah siiyaan  Ardeyda danyarta ah ee ay dhaleen Ciidamada qaranka iyo shaqaalaha dawladu
–  Fiiga Jaamacadaha dawladu waa in uu ka yaraadaa kana  jabnaadaa Fiiga Jaamacadaha gaarka loo leeyahay sida ay u kala duwan yihiin fiiga dugsiyada dalku.
– Jaamacadaha dawladu waxay ku jiraan dhismeyaal bilaash ah oo dawladu leedahay, kirona ma bixiyaan sidaa daraadeed waa in ay fiiga ardeyda ka jebiyaan
– Jaamacadaha Dawlada Xukuumada ayaa siisa sanad walba miisaaniyada lagu kabo markaa waa in ay fiiga ardeyda Ciidamadu dhaleen bilaash uga dhigaan
–  Jaamacadaha dawaladu waxay maydheen meeqaamkii qaranka Somaalilaan, maadaama aanay cashuur buuran dawlada iyo bulshada toona ku soo celin.
    Gunaanad:  Maanta Soomaalilaan waxaa loo baahan yahay:
1- In la sameeyo Nidaam iyo hab cusub (system dawladeed ) oo sife cadaalad ah bulshada ugu shaqeeya, waxna xakameeya .
2-  Waana in la ansixiyaa xeerarka qabyada wada ah ee Siyaasadda Waxbarashada Qaranka Somaalilaan.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews