berberatoday.com
Shiinaha Iyo Taiwan Oo Khilaafkoodu Gaadhay Heer Ay Isu Gacan Qaadaan Diblomaasiyiintoodu
October 20, 2020 - Written by admin

Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa Sababay in diblomaasiyiintooda uu gacan qaad ku dhexmaro dalka Fiji.

Hargaysa(Berberatoday.com)-Taiwan ayaa ku doodeysa laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Shiinaha in iyaga oo aan la casuumiin ay kasoo qaybgaleen munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta qaranka ee Taiwan horaantii bishaan.

Labada dhinacba waxay sheegayaan in saraakiishooda ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxayna ka codsadeen booliska Fiji inay dhacdaasi baadhitaan ku sameyaan.

Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobal dhulweynaha shiinaha kamid ah laakiin hogaamiyaasha Taiwan waxay ku doodayaan inay yihiin dal madaxbanaan.

Xidhiidhka ka dhexeeya labadooda wa mid aad u xun waxaana jirta hanjabaad joogto ah oo la isKu diraayo oo rabshadana ay ka dhalan karaan taas oo u horseedi karto in Mareykanka oo xulafo la ah Taiwan in uu lug ku yeesho.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa la sheegay inay ahayd 8-dii Oktoobar iyadoo xafiiska ganacsiga Taiwan ee Fiji – kaas oo sidookale ah safaaradeeda rasmiga ah – ay xaflad soo dhaweyn ah ugu sameysay ilaa 100 marti sharaf ah, Hotelka Grand Pacific Hotel oo ku yaal caasimada Suva ee dalka Fiji.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Taiwan ayaa sheegtay in laba sarkaal oo Shiines ah ay bilaabeen in sawirro ay goobta xafladda ka qaadan iyo inay isku dayeen inay ururiyaan macluumaadka martida xafladda kasoo qaybgashay.Markaas kadib Diblumaasi u dhashay Taiwan ayaa ragii sawirka qaadayay ka codsaday inay baxaan taas oo sababtay in la isu gacan qaado oo diblumaasi rer Taiwan ah dhawac Madaxa kasoo gaaray islamarkaana cisbitaal la geeyay sida ay sheegtay wasaarada.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa ficillada sarakiisha safaaradda Shiinaha ee Fiji iyo shuruucda ay jebiyeen, ” Joanne Ou, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan ayaa sidaasi sheegtay .

Shiinaha ayaa isna dhankiisa si ka duwan uga hadlay dhacdaasi. Safaaradeeda Fiji waxay sheegtay in shaqaalaheeda ay ku sugnaayeen “goob dadweyne oo ka baxsan halka xafladdu ka socotay ” waxayna halkaasi u joogen “shaqo rasmi ah” waxayna ku eedeysay saraakiisha Taiwan inay ku dhaqaaqeen “daandaansi” ayna “dhaawac u geysteen hal diblomaasi oo Shiines ah”.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, warbixinteeda Isniintii, waxay shaaca kaga qaaday in saraakiisheeda ay ka warqabaan waxa ka socday goobta xafladda, sida keeg uu ku sawiranyahay calanka Taiwan, oo Beijing ay ku tilmaamtay mid been abuur ah maxaa yeelay Taiwan uma aqoonsana dal.

“Calan qaran oo been abuur ah ayaa si cad loogu soo bandhigay goobta, keegga sidoo kale waxaa lagu calaamadeeyay calan qaran oo been abuur ah,” Zhao Lijian afhayeenka wasaaradaha arrimaha dibedda ee shiinaha ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Booliska dalka Fiji, ayaan weli ka hadlin halka baaritaanka u marayo

Beijing waxay muddo dheer isku dayaysay inay xadido howlaha caalamiga ah ee Taiwan waxayna labaduba isku deyayaan inay saameyn ku yeeshaan gobolka Pacific.

Walow, Taiwan ay aqoonsi rasmi ah ka heshay wadamo fara ku tiris ah, haddana dowladdeeda sida dimoqraadiga ah lagu soo doortay waxay xiriir ganacsi iyo mid aan rasmi ahaynba la leedahay dalal badan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews