berberatoday.com
Barnaamij Lagu Lafa-gurayo Go,aanka Xukuumada Somaliland Ku Joojisay Gaadiidka Yar Yar Ee Vitz Iyo Saamaynta Dhaqaale Uu Ku Yeelanayo Bulshada”Daawo Muuqal
November 19, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Dhawaan soo saartay go’aan ay sheegtay inay ku joojisay keenista Gaadiidka Guran ee Isteerinka Midigta ku leh, Geerkana bidixda oo ah gaadiidka ugu badan ee tobannaankii sano ee u dambeeyey laga isticmaalayey dalka iyo sidoo kale Gaadiidka Vitz-ta oo dalka looga yaqaanno Dukhaan, kaas oo ah gaadiidka ugu badan ee sannadahan dambe ay dadweynuhu Tagsi ahaan iyo shaqo-abuurba u adeegsadaan.


Haddaba, waxaynu Barnaamijkan ku eegi doonnaa Asbaabaha Ay Xukuumaddu u cuskatay, joojinta gaadiidka guran iyo vitzta, saamaynta ka dhalan karta ee dhinacyada dhaqaalaha Bulshada ku tiirsanayd nolol ahaan iyo ka ay dowladdu ka heli jirtay, saamaynta siyaasad ahaan uu keeni karo iyo awoodda sharci ee go’aankan oo kale Xukuumaddu ku qaadan karto, waxaynu Barnaamijkeenna isku dul-taagi doonnaa qodobbadaas iyo kuwo kale oo muhiim ah.
Qaarkamid ah dadwaynaha lku shaqaysta gaadiidka yar yar ee vitz kuna dabara nolosha qoyskooda ayaa dareen celiyay go,aanku xukuumadu ku joojisay soo dajita gaadiidka yaryar oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid aan loogu danaynay bulshada iyo dhalinyarada shaqo abuurka ka dhigatay,


sidoo kale dadwaynaha raaca gaadiidka yar yar ee vitz oo kaga raystay dhaqaale badan oo kaga bixi jiray gaadiidka ayaa xukuumada ugu baaqay in ay ka noqoto go,aankasi oo ay sheegeen in aanu ka turjumayn baahida shacabka ,
dhanka kale masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka iyo , Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog) ayaa si adag uga horyimid go,aanka ay xkuumadu ku joojisay gaadiidka yar yar oo ay dareeno shakile ka muujiyeen in xukuumadu damacsan tahay in ay cid gaara uxidho gaadiidkan Halka xildhibaan cabdiraxmaan xoog oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay gobolka Maroodi-jeex, uu ku dooday inaanay go’aankan oo kale fulin karin Xukuumaddu illaa ay Baarlamaanka ka ansixiso, maaddaama oo uu saamaynayo Bulshada ay wakiilka ka yihiin.


Dhanka kale, Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cali Cantar iyo Xoghayaha arrimaha bulshada mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Xukuumadda Somaliland soo saarto go’aan ay ku joojinayso inta badan gaadiidka Dalkeeda laga adeegsado.
Gaadiidka Vitz-ta, ayaa ka mid ah gaadiidka yaryar ee dheereeya, isla markaana badi ah kuwa kuwa Shaqeeya Baadroolka, ee aan shidaalka badan cunin, waxaanu markii ugu horreysay gaadiidkani Somaliland soo gaadhay 2013-kii, markaas oo ay keentay Shirkad la odhan jiray Raaxo city Taxi oo iyadu wada-yaasha ku shaqaysta qiimo go’an oo faa’iidada ka mid ah ka qaadi jirtay oo illaa toban dolar ahayd, taasoo markii dambe iibisay gaadiidkaas oo qiimaha lagu raacaa ka qaalisanaa ka maanta tagsiga lagu raaco.


Gaadiidka VITZta wakhtiyadan dambe keliya Tagsi ahaan uun looguma shaqeeyo ee dad badan baa door biday inay iibsadaan, isla markaana ku qabsadaan Adeegyadooda u gaarka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin cusbitaallo adeegyo caafimaad meelaha aan looga iman karin ku gaadhsiiya, meherado macaamiisha wax ka iibsata ugu adeega iyo qoysas iyaguna adeegsada. Haddaba, Sababaha loo doorto gaadiidkan, waakan Cali Cantar oo Sharraxayaaa.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Barnaamijka Oo Dhamaystiran

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews