Dawladda Itoobiya Oo La Sheegay Inay Soomaaliya Uga Soo Fasax-qaadanayso Saldhigyo Ay Ciidammadeeda Badda Uga Samaynayso Somaliland!
November 20, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa rumaysan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu u dammaanad qaadi karo in dalkiisu uu Saldhig Ciidammada badda ah ka samaysto biyaha badda ee Somaliland, sida uu sheegay Menafn.com.
Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee FANA iyo ilo-wareedyo khuseeya Difaaca iyo Amniga Gobolka, Itoobiya ayaa ka shaqaynaysa Fikraddii Ciidamo Xoog leh oo kuwa badda ah ay Saldhigyo ugaga samayn lahayd biyaha badda ee Dalalka Somaliland, Eritrea iyo Djibouti sida uu Arbacadii Shalay uu baahiyey Menafn.com.
Sida ay Werisay BBC-da la hadasha Afrika, Markii Eritrea ka xorowday Itoobiya 1993-kii, waxa Dawladdii Federaalka Itoobiya ee ay hoggaaminayeen TPLF iyo Xisbigii EPRDF ay ku soo dhaceen Bad la’aan, sidaa darteed 30 sanadood ka dib, waxay dib u eegaysaa Qorsheeda ah inay dib u dhisto Ciidammadeeda badda, iyadoo loo soo jeediyey inay Deriskeeda ka heli karto Saldhig, iyadoo Taageero ka helaysa Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.