berberatoday.com
“Dawladda Muqdisho In Ay Kala Raacdo Dhinacyada Dagaalka Tigray, Xaqna Uma laha Oo Waxay Ku Tahay Farogelin..”Cali Guray.
November 21, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka faalooda arimaha geeska Africa falanqeeyana siyaasada iyo arimaha Nabadgalyada Geeska ayaa ka hadlay sida uu durba usaameeya somaliya Dagaal udhexeeya dawlada fadaraalka Itoobiya ismaamulka Tigreega oo galaaftay xilkii wasiirka arimaha dibada cawad oo Xilkii laga qaaday kadib markii uu sheegay mawqifka somaliya Ee dagaalka ka socda gudaha itoobiya.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa sheegay in dawlada muqdisho Aanay xaq ulahayn in faro galiso gudaha itoobiya maadama Aanay kamid ahayn ismarkaana aanay ahay sida kililka soomalida oo kale,

Siyaasi Cali Guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku Baahiyay Barta uu ku leeyahay facebookga Oo U dhignaa Sidan;

“Dagaalka ka Socda Tigray Wuxu Durba Saamayn Ku Yeeshay Dawladda Federaalka Somalia. Wasiirka Arimaha Dibadana waxa galaaftay mawqifka rasmiga ah ee Dawladda Muqdisho ay ka taagan tahay dagaalka ka socda gudaha Itoobiya oo dabcab aanay ahayn in si cad loo faafiyo runba ha ahaado eh. Markaa sir baa fakatay wasiirka ayaana loo xambaariyay gefkii dhacay oo lagu raad gataye.

Dawladda Muqdisho In Ay Kala Raacdo Dhinacyada dagaalka Tigray Xaq Uma laha Oo Waxay Ku Tahay Farogelin Arimaha Gudaha ee Itoobiya oo la mid maaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya oo iyagu ka tirsan federaalka Itoobiya oo dawlad ahaan si buuxda u taageeray xaqna u leh inay taageerto mawqifka Dawladda Federaalka Itoobiya ee qaybta ay ka tahay. Dawladda Muqdisho waxay ahayd in sida Somaliland ay shibta ka gasho khilaafka gudaha Itoobiya oo aan ilaa hadda la hubin natiijadiisa iyo saamaynta uu ku yeelan karo guud ahaan soomaalidaba eh, ilayn geed kasta in gubtaa way hoos taal oo iyadiibaaba ligliganaysa hadii aanay qabanin dooraaho heshiis lagu wada yahay ilaa haddana aan muuqanin eh.

Siyaasi cali guray falanqeeye arimaha Nabadgalyada ee Geeska Africa

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews