berberatoday.com
Muhiimada Ay Gobolka Uleedahay Magaalada Saylac. !! W/Q Jamaal Gobonimo
November 21, 2020 - Written by admin
Muhiimada ay Gobolka u leedahay Magaalada Saylac. !!
Saylac (Af-Carabi: زيلع; Af-Ingiriis: Zeila ama Zaila) waa magaalo xeebeed taariikhi ah, oo ku taala Gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland., waxay aad ugu dhowdahay wadanka Jabuuti, oo ay u jirto ilaa 120 km. Magaalada Saylac oo ah mid qadiim ah, oo leh taariikh dheer
Saylac waxaa loo aqoonsan yahay in ay jirtay tan iyo wakhti ka horaysay soo bixitaanka diinta Islaamka, midaasi oo ah goobaha ugu taariikhda dheer qaarada Afrika, iyada oo ay ku yaalaan meelo fara badan oo taariikhi ah, hase yeeshee ka turjumaysa taariikhda geeska Afrika, gaar ahaan tan Soomaalida.
Waxa laga soo xigtay sahamiyayaa,l Roman iyo Giriig ah in qarnigii 1aad Sey|lac dhisnayd isla markaana lahayd maamul caasimadeed iyo hogaan heer sare ah. Tan iyo horaantii soo bixitaankii diinta Islaamka, magaalada Saylac waxay ahayd hoy waxbarasho, ganacsi, dhaqan, ilbaxnimo, xadaarad iyo maamul boqortooyo.
Qiyaastii qarnigii 7aad ilaa 8aad, ayaa diinta Islaamku ku soo fiday magaalada Seylac, oo wakhti kooban ku noqotay hoyga diinta ee guud ahaan qaarada Afrika, gaar ahaan gobolka geeska Afrika.
Badhtamihii qarnigii 9aad, ayaa maagaalada Saylac, waxay aas-aas iyo saldhig u noqotay bilowgii Boqortooyadii Adal, midaasi oo ka talin jirtey deegaanadaas mudo qarniyo ah ilaa laga soo gaadhay qarnigii 14aad markii ay gaadhay meesha ugu saraysa ee deegaanada geeska Afrika.
Wakhtiyadii ku xigay waxaa caasimada qadiimiga ah la wareegay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo xukumayay tan iyo goortii ay kala wareegtay Boqortooyada Ingiriiska.
Sida ay ku bilaabantay iyo goorta ay aas-aasantay magaalada Saylac, taariikhyahanadu weli way isku khilaafsan yihiin, . Laakiin waxaa la isla garowsaday in magaalada Seylac ay jirtey qarnigii 1aad, wakhtigaasi oo ay soo booqdeen bad-mareeno u dhashay Romanka iyo Giriiga.
Warbixin laga soo xigtay ragaasi ayaa lagu ogaaday in magaalada Saylac ahayd mid aad u dhisan, maamul iyo kala dambayn leh, ganacsi aad u balaadhan ka socdo, isla markaana leh mid ka mida xadaaradiihii ugu sareeyay wakhtigaasi.
Magaalada Saylac aad ayay u awoodaysatay wakhtiyadii ku xigay, isla markaana ku fiday, deegaanada jaarka la ahaa kuwaas oo dagaalo qadhaadh ku dhex maray.
W/Q, Jamaal Ibrahim Maxamed (Gobonimo)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews