berberatoday.com
“Waxa Muuqata In Dalkaasi Ay Ku Hirdamayaan Quwado Shisheeye, Oo Doonaya In Ay Qasab Kusoo Saaraan, Cida Fulinaysa Danaha Ay Ka Leeyihiin Somaliya”SiyaasiWarancade.
November 21, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Md. Cali Maxamed Warancade oo kamida Siyaasiyiinta waayo-araga ah ee Somaliland isla markaasina 25-kii sano ee u danbeeyey Somaliland kasoo qabtay xilalka Wasiirnimo ee ku dhawaad 10 wasaaradood oo kala duwan isla markaasina lasoo shaqeeyey 4 kamida shantii madaxweyne ee soo maray JSL, ayaa faalo kooban oo uu ku baahiyey, boga uu ku leeyahay barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga ayaa waxa uu kaga hadlay arimo xaasaasi ah oo ku saabsan, xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya iyo doorashada la filaayo inay ka qabsoonto dalkaasi iyo sidoo kale fariin culus oo uu u diray xubnaha la sheegay inay u matalayaan doorashadaasi Somaliland.

Qoraalkan uu Siyaasi Cali Maxamed Warancade kaga hadlaayey arimahan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Bismilaahi Raxmani Raxiim

Doorasho ku sheega Xamar ka socda iyo halista uu u horseedi karro bulshada reer Somalia..!!

Somalia oo muddo dheer la daalaa dhacaysay dagaalo aad u naafeeyey shacabka ku dhaqan Somalia, waxaa maantana muuqda in maamulka Somalia in uu bulshadaa ku jiheeyey muran doorasho oo horseedi karra halis Cusub oo Naafeysa Dadka Reer Somalia.

Waxaana muuqata in dalkaasi ay ku hirdamayaan Quwado shisheeye oo doonaya in ay qasab ku soo saaraan cida ay u arkaan in ay fulinayaan danaha ay ka leeyihiin Somalia.  Arrintaasi oo keentay in la isu badheedho oo daaqada laga tuuro heshiisyadii hore loo gaadhay,  Taasi oo keeni karta in xoog la isku muquuniyo , arritaasi oo halis nabad-galyo daro dhalin karta.

Tan labaad waxaa muuqata in kuwii sheeganaayey in ay ka soo jeedaan Somaliland ee uu ku adeeganayey maamulka Xamar, Si loo Dibindaabyeeyo geedi socodka Somaliland.  Waxaa muuqata in qiimahoodi noqday in la soo taago Saylad lagu kala iibsado sidii adoomaha, si looga helo cod, maadaama ay yihiin dad aan u dhalan dalkaasi, oo wax lexo-jeclo ah ama waddaniyad ahi aanay ka hayn. Hase ahaatee codkoodu Iib yahay, waana arrimaha dabka ku sii shiday khataraha iyo xasiloonida darada ka soo fool leh maamulka Somalia.

Sidaa awgeed waxaan u soo jeedin lahaa kuwa sheegta in ay ka soo jeedaan Somaliland ee tuban saylada doorashada Xamar, in ay ka fakaraan sidii ay ku badbaadi lahaayeen intaan waqtigu ka dhicin ama aanay halis mudan.

Allaa Mahad leh

Mudane, Ali Mahamed Waranade

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews