Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Samuel Ramani Oo Twitter-Ka Isku Waydaarsaday Qoraallo Weerar & Weerar-Celis Ah
November 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Saxafi iyo Aqoonyahan reer Somaliland ah iyo Mr. Samuel Ramani oo ka faallooda arrimaha Caalamiga ah iyo kuwa Afrika ayaa Barta Twitter-ka isku waydsaarsaday qoraallo Weerar iyo Weerar-celis ah oo ku saabsan Qadiyadda Somaliland.
Samuel Ramani oo dhawaan wax ka qoray Samaynta ay Soomaaliya ku yeelanayso haddii uu Maraykanku Ciidammadiisa kala baxo, wuxuu qayb ka mid ah qoraalkiisa ku weerarray Qadiyadda Somaliland oo uu sheegay inuu Imaaraadka Taageerayo.