berberatoday.com
Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Samuel Ramani Oo Twitter-Ka Isku Waydaarsaday Qoraallo Weerar & Weerar-Celis Ah
November 22, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Saxafi iyo Aqoonyahan reer Somaliland ah iyo Mr. Samuel Ramani oo ka faallooda arrimaha Caalamiga ah iyo kuwa Afrika ayaa Barta Twitter-ka isku waydsaarsaday qoraallo Weerar iyo Weerar-celis ah oo ku saabsan Qadiyadda Somaliland.

Samuel Ramani oo dhawaan wax ka qoray Samaynta ay Soomaaliya ku yeelanayso haddii uu Maraykanku Ciidammadiisa kala baxo, wuxuu qayb ka mid ah qoraalkiisa ku weerarray Qadiyadda Somaliland oo uu sheegay inuu Imaaraadka Taageerayo.

“Imaaraadka Carabtu waxay taageertay dhaqdhaqaaqa Gooni u goosadka ah ee Somaliland iyo Puntland si ay iskugu fidiso Dekedaha Gobolka oo ay Turkigana ugala dagaalanto inay kor u kacdo saamayntiisa Soomaaliya..” ayuu Qoraalkiisa ku sheegay Samuel Ramani.

Hase-yeeshee Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa bartiisa twitterka kaga jawaabay qoraalkaas oo uu ku sheegay inuu yahay mid marin-habaabin ah “Weligay maan aakhriyin Qormo ka marin-habowsan tan Samuel Ramani ee uu kaga hadlay qorshaha siyaasadda arrimaha dibedda ee Madaxweyne Trump uu Ciidammada Maraykanka kagala baxayo Soomaaliya…” ayuu yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo naqdiyaya qoraalka Samuel Ramani “Wuxuu ku xad-gudbay akhlaaqda falan-qaynta isagoo soo bandhigay xog la’aan siyaasadeed iyo been, sida in Madax-bannaanida Somaliland tahay Shir-qool Imaaraadka Carabtu leeyahay.”

Laakiin, Samuel Ramani ayaa ka jawaabay qoraalka Yuusuf Cabdi Gaboobe waxaanu yidhi “Anigoo Ixtiraam iyo xushmadba kuu haya waxaad si khaldan u dhalan-rogtay qoraalkayga. Waxaan si fudud u leeyahay in Imaaraadka Carabtu taageerto Goosashada Somaliland iyo Puntland, taasi oo ay hore u sheeegeen dad badan oo kale, waxaanan Somaliland kiu sifeeyay Dawlad iskeed isku Magacowday oo ah sida Adduunka looga aqoonsan yahay..”

Cabdi Yuusuf Gaboobe oo qoraalka ku soo noqday ayaa isagoo ka jawaabaya jawaabta uu Samuel Ramani ka bixiyey qoraalkiisa hore, wuxuu yidhi “Waar miyaanay been iyo marin-habaabin ahayn in la yidhaahdo Imaaraadku wuxuu taageeraa Madax-banaanida Somaliland, iyadoo ay tahay wax la wada ogyahay in Somaliland xornimadeeda la soo noqtotay 30 Sanadood ka hor iyo xaqiiqda ah in Imaaraadka Carabtu aqoonsan yahay Dawladda Soomaaliya oo aanu aqoonsanayn Somaliland.”

Qoraallada Yuusuf iyo Ramani is dhaafsadeen oo aan intaa ku koobnayn ayaa muujinaya dagaallada dhinaca Warbaahinta ee ku socda Somaliland iyo sida Dadka Yuusuf ka mid yahay mar walba difaaca ula taagan tihiin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews