Sucuudiga Oo Xidhxidhay Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga
November 30, 2020 - Written by admin
Riyadh(Berberatoday.com)-Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in la bilaabay baadhitaan lagu hayo musuqmaasuq ka dhacay wasaaradda gaashaan dhigga dalkaas oo lacagta la lunsaday lagu qiyaasay 325 milyan oo doolar.
Wakaaladda ka hortagga musuqmaasuqa dalkaas ayaa sheegtay in dadka baadhitaanka lagu hayo ay ka mid yihiin masuuliyiin iyo ganacsato.
Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baadhitaannada musuqmaasuqa ee la wado ay ka mid yihiin eedo lagu soo oogay shaqaale ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada.