berberatoday.com
Dalka Malawi:-Waxka Ogow Saddex Dhacdo Oo Taariikhda Ugalay 2020 Iyo Somaliland Oo Noqon karta Qodobka Afraad Ee Kusoo Jeediya Indhaha Caalamka!
December 20, 2020 - Written by admin

Lilongwe.(Berberatoday.com)-Dalka Jamhuuriyadda Malawi oo ah waddan Bilaa bad ah oo ku yaal Koonfur-bari ee qaaradda Afrika, waxa Si fiican ugu hirgalay saddex dhacdo oo lagu majeertay, una Galay taariikhda sannadkan sii dhammaanaya ee 2020, dhacdooyinkaas oo sidoo kale soo jiitay indhaha caalamka, waxayna saddexdaas qodob kala yihiin;

1;Dimuqraadiyadda iyo garsoorka haysta madaxbannaani buuxda

Doorasho ka qabsoontay dalka Malawi bishii May ee sannadkii 2019, waxa natiijadii soo baxday lagu sheegay inuu ku guulaystay Madaxweynihii xilka hayey Mr. Peter Mutharika oo ka socday xisbiga talada hayey ee DPP (Democratic Progressive Party), hasayeeshee murrashaxiinta xisbiyada mucaaridka ayaa dood adag ka keenay natiijada doorashada oo ay ku sifeeyeen inay tahay mid ka dhalatay musuq, wax-isdaba-marin iyo laaluush ay Xukuumadda talada haysaa samaysay, waxayna mucaaridku sameeyeen mudaharaadyo salmi ah oo ay ku diidan yihiin natiijada doorashada, kadibna waxa ay dacwad rasmi ah u gudbiyeen Maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas, iyadoo Maxkamadduna samaysay baadhis dheeraad ah, kadibna waxay soo saartay go’aan lagu tirtiray natiijada doorashada iyo in mar kale la qabto doorasho ku-celis ah, waxayna doorashada ku-celinta ah qabsoontay 23 June 2020, taasoo sababtay inuu ku guulaysto murrashaxa ka socda xisbiga mucaaridka ahaa ee MCP Mr. Lazarus  Chakwera oo noqday Madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ee hadda xilka haya.

Arrintasi waxay si xooggan u soo jiidatay indhaha caalamka oo ammaanay madaxbannaanida garsoorka Malawi iyo koboca ku yimid hannaanka dimuqraadiyadda dalkaas, iyadoo dalka Malawi uu  taariikhda ku galay inuu noqdo waddanka labaad Afrika ee Maxkamad dastuuri ah laashay doorasho uu ku guulaystay Madaxweyne xilka hayey, waxaana ka horeeyeey dalka Kenya, halka sidoo kale uu dalka Malawi noqday waddanka 5-aad ee adduunka ay sidan oo kale ka dhacdo.

Guusha tallaabadani u soo hoysay Malawi waxa ka mid ah in Mac-hadka caalamiga ah ee Chatham House uu billad sharaf ku maamuusay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Malawi 26 October 2020, taasoo ay ku mutaysatay geesinimada iyo madaxbannaanida buuxda ee ay  ugu hiilisay hannaanka dimuqraaddiga ah.

2;Dhiirannaanta iyo furfurnaan lagu saleeyey siyaasadda Khaarija Xukuumadda Cusub ee Malawi

Xukuumadda cusub ee la wareegtay talada dalka Malawi ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Lazarus Chakwera, waxay la shir timid siyaasad  arrimo dibadeed oo ku salaysan furfurnaan iyo dhiirannaan xooggan, waxayna taasi keentay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi Mr. Eisenhower Mkaka ee hadda safarka ku yimid Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, isagoo la kulmay Ra’iisal-wasaaraha Yuhuudda 3 November 2020, kuna dhawaaqay in dalka Malawi uu  noqdon doono waddankii ugu horeeyeey Qaaradda Afrika ee safaarad ka furta magaalada Qudus (Jerusalem) oo Maraykanka iyo dalal kale u aqoonsadeen inay noqoto Caasimadda Israa’iil, taasina waxay  noqotay dhacdo horseedday inuu taariikhda ku galo waddanka Malawi.

3;Waxa loo aqoonsaday dalkii sannadka (country of the year)

Qiimayn uu sameeyey wargeyska the Economist ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, wax ay natiijada ka soo baxday noqotay in waddanka Malawi loo aqoonsaday inuu yahay dalkii sannadka (country of the year 2020) ee caalamka, iyadoo ay liiska ugu dambeeya (shortlist) ay kula jireen dalal ay ka mid yihiin New Zealand iyo Taiwan, balse waxa kaalinta 1-aad ku guulaystay waddanka Malawi oo arrintan ku mutaystay koboca dimuqraadiyadeed ee uu sameeyey iyo madaxbaanida buuxda ee uu haysto garsoorka Malawi, sidaana waxa uu dalkani ku galay taariikhda sannadkan 2020.

4;dhiirannaanta siyaasadda khaarajiga Malawi oo horseedi karta go’aan uu ka qaato qaddiyadda Somaliland

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi ayaa booqasho rasmi ah  ku yimid dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo kulan la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,   waxaanna suurtogal ah in dalkiisu uu ku dhiirato inuu si toos ah ugu dhawaaqo xidhiidh diblomaasiyadeed oo ay la yeeshaan Somaliland ama uu taariikhda ku galo inuu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsi rasmi ahu fidiya Somaliland.

QALINKII IYO FAALADII ; SAXAFI MAXAMED CUMAR CABDI CIRRO

HARGEISA SOMALILAND

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews