berberatoday.com
Wadadii rajada Berbera Corridor ee 4-ta haat loo qoondeeyey kuna soo ururtay 2-ba haat xagay ku danbeysay ? qalinkii A/rahman fidhinle UK
January 3, 2021 - Written by admin
Wadadii rajada Berbera Corridor ee 4-ta haat loo qoondeeyey kuna soo ururtay 2-ba haat xagay ku danbeysay ? qalinkii A/rahman fidhinle UK
 Mashruuca Wadadii rajada ee Berbera Corridor  ee la dhagax dhigay  kal hore 28/02/2019 ayaa mudadii ay socotay oo hadda dhan  22 bilood  lagu dhameeyey  wax ka yar 40-Km  oo keliya taas oo u muuqata in aanay marna ku dhamaaneyn waqtigii loo mudeeyey in ay wadadaasi ku dhamaato oo ku beegan September  2021. Waxaa nasiib daro ah in  shirkad keliya lagu soo koobay in ay dhisto oo dhameyso wadada Berbera Corridor  taas oo la sheegay in ay la daala dhacayso dhismihii wadada una muuqata in aanay marna ku dhamaystireyn Wadada waqtigii loo cayimay oo hore laba jeer dib loo sii dhigay.

 Mashruuca wadada Berbera Corridor wuxuu ku bilaabmay rabitaanka dawlada Itoobiya oo rabtay inay Dekeda Berbera wax uga soo degaan maadaama aanay Dekedo laheyn.  Waxaana loogu talo galay in ay noqoto wadadaasi marinka laga quudiyo Bariga Afrika taas oo noqonaysa Albaabka laga galo Bariga Afrika ( Gate way).Dhamaadkii sanadkii 2003 Waxaa daraasad mug leh wadada ku sameeyey laba shirkadood oo kala ahaa Louis Berger iyo shirkada Afroconsult oo iyadu ka socotay dalka Itoobiya. Markii  wadada la dhagax dhigay sanadkii 28/2/2019, Waxaa goob-joogeyaal ka ahaa dawlada imaaraatiga, Itoobiya, Hayada Abu-dhabi Fund iyo shirkada qandaraaska la siiyey ee NEAL BIN HARMAL HYDROEXPERT (NBBII) Waxaana shirkadan la taliye looga dhigay shirkada CONSER (consultant).
Shirkadan kor ku xusan ee qandaraaska qaadatay waxay bixisay qandaraasyo kale ( sub-contracts)  Waxaana ay siisay shirkadaha madaniga ah ee  kala ah.
1- Dawlada Hoose ee Hargeisa oo samaysatay shirkada (MEC). 2- Shirkada Emisoma. 3- Shirkada Al-Nafoora.
4- Shirkada Guri-barwaaqo and mother care. 5- Shirkada Start General Contractors.  6- Shirkada Almis-Co iyo  Shirkada Amal- JV. 
Kharajka ku baxaaya wadada Berbera Corridor waxaa lagu qiyaasay ilaa iyo $111 Million  dollar taas oo $90 Million oo lacagtaas ah ay bixinaayo Sanduuqa Horumarinta Hayada Abu Dhabi Fund ee dawlada  imaaraatiga. $21 Milion dollar waxaa bixinaaya dawlada ingiriiska, lacag dhan $30 Milion dollar waxaa bixinaaya Midowga Yurub (EU) , Waxaa iyaguna lacag aan yareyn oo aan la sheegin ku yaboohay in ay bixiyaan  World Bank. 
 Dawlada Itoobiya, Somalilaan iyo imaaraatigu waxay ku heshiiyeen in layska kaashado oo la dhiso Wadada Berbera Corridor ee dhererkeedu yahay 937-km ( Wajaale ilaa Addis Ababa)  Wadadaas  qaybteeda ugu dheer oo gaadhaysa 696-KM ayaa World Banka lacagtii lagu dhisaayey laga sii xasiliyey  laakiin maanta iyada oo ay dhamaatay 22-kii bilood ee loo qoondeeyey in ay ku dhamaato wadadu ayaa waxaa rafanaaya dhismihii wadada qaybtii Somaalilaan loo qoondeeyey oo gaadhyasa ilaa iyo 241-KM (Berbera ilaa Wajaale) taas oo ah waddada isku xidhaysa Berbera iyo dalka Itoobiya si maceeshada ka soo degta Dekeda Berbera ay  mudo kooban ugu gaadho dalka itoobiya oo aan bad iyo Dekedo midna laheyn.  Heshiiska mashruucani wuxuu ahaa in wadada loo dhiso qaabka wadooyinka waaweyn ee aduunka loo dhiso laakiin nasiib daro wuxuu ku soo ururay 2-ba haat oo balacoodu yahay 8-mitir marka laga reebo 3m ee garabyada wadada dhacaaya.
 Mashruucan dhismaha wadadii rajada ee  Berbera Corridor wuxuu hoos uga dhacay xawaarihii uu ku socday dhismihiisu waxaana uu hada dhismihii wadadu marayaa xaalad kab-kab ah oo aad u cakiran ka dib markii 7-dii shirkadood ee ka shaqeynaayey dhismaha wadada ay ku soo koobeen shirkad keliya,  6-dii shirkadood ee kalena meesha ka baxeen ee joojiyeen dhismihii wadadda markay ku khasaareen ee ku jaah-wareereen maamulkii iyo maareyntii  wadadaas ee ninka Carabka ahi lugta ku walaaqay. Mashruucan waxaa la dhagax dhigay bilowgii  sanadkii 28/2/2019, kaas oo aan weli la dhameyn 40kii-KM ee ugu horeeyey ee dhamaan lahaa horaantii sanadkan 2020. Waxaana u qorsheysnaa Mashruuca in wadadu dhamaato bisha May 2021, laakiin waxay dib ugu riixeen markii khilaaf badani yimi in ay ku dhamaan doonto bisha September 2021 umana muuqato in ay waqtigaas ay wadadu ku dhamaaneyso maadaama shirkadihii dhisaayey lagu soo koobay shirkad keliya oo la daaladhacaysa dhismaha wadadda. Waxaa iyana dhismaha wadada ku jiray ilaa iyo 7-ba biriij (bridges ) kuwaas oo aan iyagana ilaa iyo  hada midna la dhameyn.
Waxaa Mashruucan rafanayaa uu ummadda  reer Somalilaan u cadeynayaa  oo daaha uga faydayaa in danaha ka dhaxeeya Somaalilaan, imaaraatiga iyo Itoobiya aanay aheyn dano cokan oo  isku dheeli tiran ee ay yihiin dano dhinac ka raran. Maadaama aduunyadu tahay tartan iyo dano isxanbaarsan ma idinla tahay  shacabow in dawlada UAE iyo Shirkada DPW ay Dekeda Berbera iyo Wadadda Berbera Corridor ay waqtigii lagu heshiiyey ee loo qoondeeyey ay ku dhameyn doonaan kana dhigi doonaan dhuunta ugu weyn ee quudisa Itoobiya iyo Bariga Afrika ?  Jawaabta Su’aashan waxaan u daayey shacabka sharafta mudan ee reer Somaalilaan.
Waxaan ku soo qaroocayaa qormadan —  Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey-geyso!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews