berberatoday.com
Safiirkii Hore Somaliland Ee Imaaratka Ambasador Hassan Yasin Hirad Oo Ka Faalooday Sanadkii Tagay Xidhiidhadii Dilomaasiyadeed Ee Somaliland Sameysay, Filshada Mustaqbalka Dhaw Iyo Dib Udhac Uu Sheegay Inuu Kuyimi Xidhiidhkii Dubai Iyo Hargeysa
January 6, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirkii Hore ee Somaliland ee Dalka isutagga Emirate ka Catabta Ambassador Hassan Yassin Hirad ayaa ka Hadlay islamarkaasina Si Qoto dheer Uga faalooday Talaabooyinkii Siyaasadeed ee Somaliland ay Qaaday Sanad kii dhamaaday ee 2020 Talaabooyinkaas oo badankooda uu ku Sifeeyey kuwo ay Somaliland dhinaca Guusha Uqaaday Halka uu Qaarkoodna ku Tilmaamay Kuwo aan Weli Guul laga gaadhin iyo Weliba Sidookale Farsadaha Siyaasadeed ee Soo Muuqanaya Sanadka Cusub ee 2021. Qoraalkan oo uu Safiirku ku baahiyey Boggiisa Twitter ka iyo bartiisa Xidhiidh ka bulshada ee Facebook Kuna Qornaa Luqadaha English-ta iyo Carabida ayaa waxa uu udhignaa Sidan”

“Dhamaadka sanadka 2020■ 1= Kobaca iyo horumarka cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee labo Geesoodka ah ee ay Somaliland la yeelatay wadamo badan sida Jabuuti, Kenya,Guinea iyo tan ugu muhiimsan oo ah Taiwan, taas oo loo aqoonsan karo inay tahay ta ugu caansan Somaliland muddadan. sanadka ah Sababtoo ah Xidhiidhkii iyo Heshiiskii Somaliland iyo Taiwan Waxaa lagu muujiyey ficil dhab ah oo la taaban karo Wakhti kooban oo dhowr bilood gudahood ah.

2= : Sannadkan, Somaliland waxay awoodeeda siyaasadeed kumuujisay iyada oo kafaa’iidaysanaysa shirkii Jabuuti, kunasoo dhandhigtay beenta dawladda federaalka hadda jirta ee Soomaaliya, iyada oo lagashay wadahadallo culus oo lagu xallinayo khilaafka jira (qaddiyadda Somaliland) – taas oo kor u qaadday fursadaha ay Somaliland ku heli karto aqoonsi caalami ah. Su,aasha isweydiinta mudanse ayaa ah Miyaynu arki doonnaa Somaliland oo Sannadka 2021 la siinayo xubin ka tirsan IGAD?

Mar uu ka hadlaayay Safiir Hassan Yasin Hirad Xidhiidha Dalalka Somaliland Iyo Imaaraatka Carabta uu tilmaamay inuu hoos udhacay ayaa Waxa uu qoraalkiisa ku yidhi Sidan”

3= Sannadkan waxa kale oo aan marag kanahay hoos u dhac baaxadleh oo ku yimid xidhiidhkii u dhexeeyey Imaaraatka Carabta iyo Somaliland heer kasta oo ay tahayba, oo ay ka mid tahay dhammaystirka wax ka yar 15% mashruuca wadada Berbera Corridor – iyo istiraatiijiyaddiisa, iyadoo muddo aan ka badnayn 6 bilood ka hadhay wakhtigii lagu dhawaaqay wakhtigii lagu dhameystiri lahaa mashruucan. Su’aasha ugu muhiimsan ee sanadka 2021: ayaa ah Mashruucani ma ka mid noqonayaa mashaariicdii fashilmay ee Imaaraadku uu ka waday Somaliland ?

Ambasado Hassan Yasin Hirad qodobka udanbeeya ee Qoraalka uu Baraha bulshada Soo dhigfay waxa uu kaga hadlay doorashooyinka la filayo Somaliland inay ka qabsoomaan sanadkan 2021-ka Iyo waxa laga filan karo iyo weliba waxay dimuguraadiyada somaliland kusoo kordhin karaan Waxaanu yidhi”

4=Xaaladda Gudaha iyo mabda ‘ahaan qabsoomidda doorashooyinka kaladuwani waxay kor u qaadidoonaan dimuqraadiyadda Somaliland – Doorashooyinka baarlamaanka iyo dawladaha hoose ayaa la filayaa in lagu qabto dhammaan gobolada Somaliland inta lagu jiro sannadkan 2021. Waxaan filayaa in doorashooyinkaasi ay ka Soo muuqan doonaan shakhsiyaad qaran oo leh jihooyin kala duwan oo xagga fikirka ah oo kor u qaadi doona fikradaha dimoqraadiyadda iyo wareejinta nabadda ee dowlada. Waxaan filayaa in aan arki doono diblomaasiyad firfircoon oo ka socota Somaliland inta lagu jiro sanadka 2021, iyada oo la filayo in dhawr waddan oo Afrikaan ahi ay Hargeisa ka furandoonaan xafiisyo wakiillo / safaarado iyo qunsuliyado waxaana macquul ah in Somaliland la siin doono xubin – xitaa goobjoogenimo- qaybna kanoqon doonta hay’adaha gobolka iyo kuwa qaaradda. Waxa kale oo jiri doona iskaashi weyn oo dhaqaale iyo siyaasadeed oo inadhexmari doona dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, sababo dhawr ah oo laga dharagsan yahay awgood.

Baraha Bulshada ee Ambasador Hassan Yasin Hirad leeyahay ayaa waxa ku xidhan in kabadan 50 Kun oo ruux ay kujiraan Shiyuukhda ka arimiya dalka isutaga imaaratka iyo Madax kaloo katirsan dunida carabta iyo caalamkaba waxana xigta hadiyo jeer bfaalooyinkiisa iyo qoraalada uu soo dhigo idaacado iyo Joornaalo laga leeyahay wadamada caalamka ha ubadnaadaan dunida carabtee.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews