berberatoday.com
Maamulka Puntland Oo Doonaysa Inay Carqaladayso Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Ee Laga Bilaabay Bariga Gobolka Sanaag
January 11, 2021 - Written by admin

Akhri;Magacyada Degmooyin Puntland sheegtay in aanay ogolaan doonin in diwaangelinta laga sameeyo

Sanaag(Berberatoday.com)-Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed Puntland, ayaa la sheegay inuu doonayo inuu carqaladeeyo Diwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo laga samaynayo deegaannada bariga Gobolka Sanaag.

Xubno Puntland ugu Magacaaban Maamulka bariga Sanaag oo Shalay Warbaahinta kula hadlay degmada Dhahar, ayaa sheegay in aanay ogolayn in Somaliland diwaangelin ka samayso Dhahar, Xingalool, Buraan iyo Ceelaayo isla-markaana ay ciddii isku dayda inay diwaangelin ka sameeyaan deegaannadaasi ay dagaal kala hor-tagi doonaan.

Hadalka Xubnaha halkaa u jooga Puntland, ayaa ku soo beegmay xilli Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliland oo kasoo jeeda gobolkaasi ay gaadheen halkaasi, si ay Dadweynaha ugu wacyi-geliyaan qaadashada kaadhadhka cod-bixinta dorashada.

Sanaag-bari oo ka mid ah Gobollada bariga ee Somaliland, ayaa Maamul-gobolleedka Puntland sheegataa Mulkiyaddiisa, iyadoo ula baxday Gobolka Haylaan.

Somaliland iyo Puntland ayaa halkaa ku dagaalama mar kasta oo la geeyo sanaaduuqda Cod-bixinta doorashada ama la doonayo in laga sameeyo diwaangelinta, laakiin sannadkan waxa cusub in Maamulka Puntland sheegay inuu dagaal ka xigo deegaanno hore looga qaban jiray, sida Xiin-galool.

Ciidammada kala duwan ee Somaliland ka jooga halkaasi, ayaa hore heegan buuxa loo geliyey, maaddaama oo in muddo ah ay socotay diyaar-garowga diwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews