berberatoday.com
Maamulka SOOL Oo Ka Hadlay Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Oo Maanta Ka Bilaabantay Gobollada Bariga
January 11, 2021 - Written by admin

“Reer Sool, waxay Fahmeen in aanay jirin Cid Somaliland u dhaantaa…”

 Hargeysa(Berberatoday.com)_Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhi, ayaa sheegay in guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay degaan inay isku xaqa iyo isku xuquuq yihiin, waxaanu si gaar ah ugu xog warramay  Gobolka uu Guddoomiyaha ka yahay oo uu tilmaamay inuu u baahan yahay in la soo gaadhsiiyo Gobollada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhi oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Diiwaangelinta Maanta la bilaabaysa Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Gobolka Sool, waa Gobol ka mid ah Somaliland, inkasta oo Gobolka xaaladda iyo marxalado adagi soo mareen, haddana maanta meel fiican bay wax noo marayaan, oo dadaal badan oo aanu Dawlad ahaan, Gobol ahaan iyo Deegaan ahaanba aanu muujinay ayaa Gobolka ku keenay inay xaaladdiisu wax badani iska beddelaan, inkasta oo Gobolka Sool uu u baahan yahay in la soo gaadhsiiyo Gobollada kale ee dalka, maadaama aanu la duruuf ahayn, haddana waxaan aad ugu mahadanayaa Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo Xukuumaddiisa, oo wax badan u qabtay, waxaana filayaa insha allaah inay wax badan oo kalena ay u sii qaban doonaan. Ta kale Shacabka ku dhaqan Gobolka Sool oo runtii ah Shacab aad u ballaadhan wax badan bay hadda fahmeen, waxayna fahmeen in Somaliland dal iyo cid u dhaanta aanay jirin,  waa kuwaas oo muujiyey inay lacagta gimbaarta ee Soomaaliya aanay dani ugu jirin ee isticmaalka lacagta Somaliland ay dani ugu jirto, sidoo kale xasiloonida Gobolku hadda waa taam, Dawlad ahaan iyo Gobol ahaanba waxaanu awoodda saarnay sugida amaanka iyo in aanu ka hor tagno wax kasta xasiloonida waxyeelo ku ah”.

Guddoomiyaha Gobolka Sool mar uu ka hadlayey Diiwaangelinta ayaa yidhi “Xafladdii iyo Munaasibaddii lagu daah-furay Diiwaangelinta waa tii lagu qabtay xarunta Gobolka ee Laascanood, waxaana Munaasibaddii ka soo qayb galay masuuliyiin culus oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Barlanaanka Baashe Maxamed Faarax,Madaxda Xisbiyada Qaranka heer Gobol ilaa heer Degmo, Komishanka iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda, waxayna Masuuliyiintaas kala duwan ee munaasibadda ka hadlay ay muujiyeen lexejeclada ay ka qabaan Gobolka Sool, iyo siday u rabaan in Shacabka Gobolka Sool uga qayb qaataan kaadhka Diiwaangelinta, sidaas darteed Shacabka Gobolka waxaan leeyahay waad aragtaan lexe-jeclada la idinka qaba ee cududiina iyo codkiina muujiya oo is diiwaangeliya, Shacabka Gobolka Sool waxaan leeyahay muujiya inaad ka ilbaxdeena is xambaar, Xildhibaanadiinana ku soo saaraysaan codadkiina, cududiina iyo tiradiina”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews