Madaxweynaha Puntland Oo Xil Umagacaabay Cabdiraxmaan Faroole
January 11, 2021 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland siciid Cabdilaahi Deni ayaa Senator Cabdiraxmaan Faroole u Magacaabay Gudoomiyaha Guddi qiimayn iyo talo-bixin kasoo diyaariya qiimo dhaca iyo diidmada lacagta shilinka Soomaliga ah.
Magacaabiddiisa ayaa timid kadib shir maanta lagaga hadlayay xal u helida cabashooyinka lacagta shilin Soomaaliga oo madaxweynaha Puntland uu soo qaban qaabiyay iyadoo lagu casuumay Khuburo ku xeeldheer dhaqaalaha.