“Komishanka Mar walba Waxaa Laga Rabaa Inuu Garsoor Dhex dhexaad ah Noqdo, Xisbiyadana Dhex U Ahaado, Inkasta..”Xildhibaan Xoog.
January 19, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Doorashooyinka isku sidkan ee la qabanayo sannadkan, waxaanu baaq u diray Xukuumadda iyo Komishanka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay siduu u arko Masuuliyiin ka soo jeeda Gobolada bari ee dalka oo uu Madaxweynuhu dhawaan xilka ka qaaday, “Qabsoomidda Doorashooyinka waa waajibaadka Xukuumadda saaran, oo aanay cid kale la wadaagin, Madaxweynuhuna waa kii yidhi waa la qabanayaa, haddii la sii daayo lacagaha la ururiyeyna waa la qaban karaa, markaas in la qabto wakhtiga loo cayimay Doorashooyinka waan soo dhaweeynayaa”.