Itoobiya Oo War Kasoo Saartay Askarta Soomaalida Ee La Sheegay Inay Ka Dagaalameen Tigray
January 22, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dowladda Itoobiya ayaa maanta beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ciidamadeeda kula garab dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.
Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga arrimaha dibedda ee baarlamanka Soomaaliya uu shalay warqad uu u diray madaxweyne Farmaajo, taas oo looga dalbaday inuu ka jawaabo cabashada waalidiinta ee ah in caruurtooda la waayey iyaga oo ka dagaalamaya gobolka Tigray.
“Waxaan aragnay warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay usoo gudbeen xuduudda Ethiopia. Waxaan sidoo kale aragnay warar la mid ah oo sheegaya in askar Soomaali ah ay ka qeyb-galayaan dagaalka. Labada sheeko waa been abuur aan sal laheyn,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti.