berberatoday.com
General Cali Maxamed Maxamuud(Bog-madow)Oo Xasuuq Ka Geystay Deegaanada Somaliland Xiligii Dawladii Maxamed Siyaad Barre Iyo Wasiir Cismaan Dubbe Oo Inuu Sawir Lagalo Ku Faraxsan
January 29, 2021 - Written by admin
Waa kuma Gen ina Bogmadow ee la sawiran Wasiir Dube ” 
Ninka Gen ah ee la sawiran Wasiir dube magaciisa waxa la yidhaahdaa Gen Cali Maxamed Maxamuud ( Bog-madow) waxaanu ku magac dheer yahay Ina bogmadow .
Hadaba waa kuma Ina bogmadow , maxaadse ka taqaanaa Dembiyadi dagaal ee uu galay ?
Gen Bogmadow wuxuu ka tirsanaan jirey ciidamadii Dawladdii Maxamed Barre gaar ahaan Guutadii la odhan jirey Guutadda Dabar-goynta Isaaqa ee ku santanayd Guutadda 86aad ee fadhigeedu ahaa Cadaadley .
Sanadihii 80 maadkii isagoo ah Kabtan wuxuu haysan jirey urur xaruntiisu tahay Tuuladda Xayndaanle ee Degmadda Oodwayne iyo Lebi-sagaala , Ururkiisuna wuxuu ku qalabaysnaan jirey baabuurta dheeraysa ee loo yaqaaney Sabaaxyadda ( Farda-jaan) Toyote/4le yaasha dheeraya iyo Beebeeyo , waxaanu ururkiisu fulin jirey dilka , dhaca , boobka iyo kufsiyada , waxaanu dhibaato badan ka gaystay deegaanadda Oodwayne , Cadaadley ilaa xuduudka Ina-guuxa iyo Laas-geel .
Sheekooyinka la iiga waramey waxaa ka mid nin beerlay ah oo naafo ah oo imika degen Saba-wanaag ayay ciidankisu ugu yimaadeen casar gurigii uu joogey ka dibna saacad yar bay ku maageen muran yar ka dib lugta ayay xabad kagga dhufteen sidii ayaanu ku naafoobey .
Waxa kale oo ka midda inan iyo hooyadeed oo wata awr raashin sida oo inantii iyo islaantii ay meel ku wada kufsadeen , awrkii iyo raashinkiina isku karsadeen .
Si kastaba ha ahaatee , Ina Bogmadow markii dambe wuxuu ahaa taliyihii guutadda Cadaadley 1989-90 , waxaanu waagaa gaystay xasuuq aan xisaab la hayn , waxaanu Taliye kooxeed , taliye urur ilaa Taliye guuto uu ka gaadhey hogaaminayay Guutadii naxariista darayd ee la odhan jirey Dabar-gaynta Isaaqa .
Markii ay burburtay dawladii Maxamed siyaad , Ina bogmadow weligi ma imanin Somaliland waxaanan maqli jirey in uu joogo Dhagax-buur , hassa yeeshee sanadkii 2018 ayaa Farmaajo u magacaabay taliyaha qaybta 43aad una dalacsiiiyey derejeda Gen isagoo ku abaal marinaya doorkii uu ka qaatay xasuuqii Beelaha Isaaq .
Soomaaliddu waxay ku maahmaahdaa cimrigaaga oo dheeraada geel dhalaayana wuu ku tusayaa , Maanta Ina Bogmadow maanta waakaa la yaaban oohinta Wasiir dubbe ee u qajjilsan .
FG , taariikhda ina bogmadow si loo baadho waxaan codsanayaa in la waraysto dadka deegaanadda Lebi-sagaala , Xayndaanle , Daba-gorayaale , Cadaadley ilaa laas-geel iyo saraakiishi snm , sidda madaxda sooyaal .

 

Ahmed Nour Guruje
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews