berberatoday.com
General Maxamud Nuur Galaal Oo Geeridiisa Laga Wada Dareemay Deegaamada Somalida Iyo Tacsi Ay Udireen Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne Iyo Wariye Axmed Siciid Cige
February 1, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-General Maxamud Nuur Galaal waxa uu kaalin mihiima oo hogaamineed kasoo qaatay dhismihii Ciidankii xooga dalka Somaliya xiliyadii dagaalkii itoobiya iyo Somaliya iyo bilawga dhismaha ciidanka Somaliya uu kamid ahaa ragii aqoonta ciidan ee buuxda lahaa ee loo igmaday inay dhisaan.

General Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa hogaamiyayaashii ciidanka Dalka Somaliya ayaa iska casilay Masuuliyada Ciidanka islamarkaana ku dhiirday inay xukunkii Maxamed Siyaad Barre ee gabood falyada badan gaysatay Xukunka ka tuuraan 1991-kii ayaa waayadan danbe ku noolaa magaalada Muqdisho uu ugu danbayn xalay ugu geeriyooday weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hutelka Afriik ee magaalada Muqdsiho ee Xarunta Somaliya halkaas uu ku sugnaa xiliga weerarka lagu qaaday.

 

Geerida Marxuumka ayaa waxa siweyn looga dareemay guud ahaan dalalka iyo Deegaamada kala duwan ee Somalida, Somaliland ayaa iyadana siweyn looga dareemay dilka foosha xun uu ku baxay Generalku waxaana Tacsi nasoo gaadhsiiyay dad ay kamid yihiin Wariye Axmed Siciid Cige ay marxuum Galaal Macaariif ahaayeen wareysiyo badan kaga qaaday Hargeysa iyo Sidoo kale Korneyl Mujaahid Ibraahim Cabdillahi Xuseen Dhegaweyne oo kamid ahaa saraakiishii ugu Magaca weyn Jabhadii SNM Islamarkaan ay Marxuumka ay kawada tirsanaayeen Ciidamadii Somaliya Waxaanay ku tilmaameen Marxuum General Maxamed Nuur Galaal inuu ahaa shaqsi qiimo weyn kulahaa guud ahaan deegaamada Somalidu dagto halgankii heeryada xukunkii Maxamed Siyaad Bare layskaga tuurayna uu qeyb Libaax ka qaatay Alle Ha Unaxariistee waxaanay geerida Marxuumka Labadani Masuul ka tacsiyaayeen guud ahaan Umada Somaliyeed gaar ahaan qoyskiisii iyo eheladii uu Marxuumku sida gaarka ah uga baxay iyagoona ilaahay uga baryay inuu Janatul Fardawsa geeyo.

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews