berberatoday.com
SIDA LOOGU BADHEEDHAY BULSHADA SAAXIL & TIXGELIN LA,AANTA AY DOWLADU KU HAYSO”QALINKII CABDIKHAALAQ CABDILAHI AWMAXAMED
February 9, 2021 - Written by admin
SIDA LOOGU BADHEEDHAY BULSHADA SAAXIL & TIXGELIN LA,AANTA AY DOWLADU KU HAYSO
(Tirtirista Masuuliyiinta Kasoo Jeeda Gobolka, Qadinta Mashaariicda Kasocda Dalka, Quudhsiga Shaqaalaha & Qawadka Bulshadu Waa Qoomamooyin Is Dulsaaran Wadaana La Arkaa Qaran Dhawaan Yimaada)
Gobolka Saaxil Wuxuu Kamidyahay Gobolada Ugu Mudan Ama Ugu Mihiimsan Gobolada Dalkan Jamhuuriyada Somaliland Dhinacyada Strategies Ahaan & Dhaqaale Ahaanba Waana Bogcada Laga Quudiyo Dalkan Intiisa Badan Ama Waaba Isha Uu Kasoo Baxo Dhaqaalaha Dalkani 85% Ama Kabadanba Waxaana Kutaala Dekedii Sidoo Kale Kastamka Ugu Dakhliga Badan Ayaa Kuyaala Sidoo Kale Waxaa Kuyaala AirPort ka Africa Ugu Dheer Sidaas Awgeed Waa Halbowlihii Dalka
Berberi Waa Magaalo Xeebeed Ka Duruuf Duwan Dalka Intiisa Kale Waana Meel Ubaahan Ama Mudan In Lasiiyo Tixgelin Gaara Waxaanay Ahayd In Dakhliga Guud Looga Reebo Kab Horumarineed Mayse Dhicin
Sidaas Marka Ay Tahay Berberi Abaalkii & Tixgelintii Ay Xaqa Ulahayd Kamay Helin Xukuumadihii Kala Dambeeyay Ee #Kulmiye# Howgu Sii Daraato Tan Hada Joogtaaye
Tabashooyinka Berbera Yaala Maaha Qaar Qoraal Lagu Ururin Karo Balse Ta Ugu Wayn Ee Hada Taagan Ayaa Ah Masuuliyiintii Udhashay Gobolka Ee Deegaan Ahaan Kasoo Jeeday Ayaa Guud Ahaanba Laga Tirtiray Ama Laga Xaadhay Marka Laga Reebo Kuwa Kuyimi Doorashada Ee Deegaanka Kuwaasoo Iyagu Kuyimi Cod Shacab
Meelaha Tabashadu Kajirto Ayaa Waxaa Kamida Kuwan Hoose
1. Dhinaca Shaqaalaha Gobolka & Dhamaan Wasaaradaha Kahowl Gala Gobolka
2. Dhinaca Mashaariicda Kasocda Gobolka Ee Laga Bixiyo Miisaaniyada Dowlada & Haayadaha Deeqaha Bixiya
3. Dhinaca Masuuliyiinta Heer Gobol & Saraakiisha Ciidamada Ee Kala Duwan
__Intani Waa Tusaale Gaaban Balse Inta Kasii Daran Ayaa Badan Ee Huursan Waana Wax Aad Looga Xumaaday Reer Saaxilna Way Samreen Inbadan Balse Hada Wuu Kasoo Dhamaanayaa Samirkii
Waxaan Kusoo Afmeerayaa Hadalkayga Bal Ufiirso Gudiga #AMNIGA# Ee Gobolka Kuma Jiro Hal Qof Oo Deegaanka Saaxil Ahi Ama Laga Garanayo Gobolka Waxaana Ugu Dambeeyay Taliyihii Sirdoonka Ee Gobolka Saaxil #Mohamed Adan Gambacade# Oo Dhawaan Lagu Bedelay Sarkaal Kasoo Jeeda Gobolka Maroodi_jeex
Malahayga Gaaban Waxaan Filayaa Inaanu Xog Badan Kahayn Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Arimahan Kasocda Gobolka Saaxil
Ugu Dambayn Waxaan Leeyahay Ama Aan Talo Ahaan Usoo Jeedin Lahaa Madaxwaynaha Qaranka Bal Dib U Eeg Masuuliyiinta Dowladadhexe Ee Gobolka Saaxil Ka Howlgala Waxaan Filayaa Inaad Wax Badan Fahmi Doonto Marka Aad Hesho Xogta Taala Halkan Weliba Madaxwayne Kudarsoo Saaxilna Waa Gobolkii Guusha Waxaana La Dareensayahay Inaanu Kaa Dhamaan Damacii Doonista Kursigu
__Igaba Dhan Galabta__
Abdikalik’s Awalbari
Berbera Somaliland
abdi70526@hotmail.com
+252-65-4448705
Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews