“Aniga Iyo Gabboose Maanta Darna Ma Hayno Hungurina Wuu Nagu Jiraa, Markaa Cidna Eersan Mayno, Waayo? Annaga Ayaa Samaynay, Qodobkaa Odhanaya Xisbiyada Sadex Kaliya Ha Ahaadaan”Maxamud Xaashi Cabdi
February 21, 2021 - Written by admin
Hargeyasa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ka soo qabtay Xilal Wasiirnimo, ayaa ka warramay Sooyaalka Siyaasadeed ee uu dalku soo maray, waxaanu si gaar ah uga warrama jidkii loo soo maray nidaamka dimuqraadiga ah iyo Xisbiyada badan.
Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka qayb-galay Hadhimo-sharrafeed uu Musharrax reer Hargeysa ahi u sameeyay Siyaasiyiin uu ku jiro, ayaa si gaar ah isku dul-taagay Tirada Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo uu Dastuurku ku Xadiday inay ahaadaan Saddex, inkasta oo xilligii Dawladdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la unkay laga yeeshay dood biyo-dhaceedu ahaa inay tiradoodu ka badato Saddex, laakiin Guddi arrintaa loo saaray ku adkaysteen inay saddex noqdaan, go’aankaasi oo ah ka la sharciyeeyay ee Dastuurka lagu qoray, hase-yeeshee qodobkaasi oo uu kaga aragti duwanaa Madaxweyne Cigaal oo doonayey in Xisbiyadu noqdaan kuwo furan, uu hadda qirsan yahay in qodobkii ay xilligaa taageersanaa isla-markaana uu gacanta ka geystay uu hadda ku noqday caqabad.