Jubaland Oo Shuruudo Ku Xidhay Ka Qeybgalka Shirka Muqdisho
February 22, 2021 - Written by admin
Kismaayo(Berberatoday.com)-Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa mowqifkiisa ku aadan doorashooyinka muranku ka taaganyahay ku faah-faahiyay warsaxaafadeed maanta oo Axad ah ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulkaas.
“Heshiiskii September 17, 2020, kaddib waxaa soo baxay cabashooyin ku saleysan sadex qodob, kuwaas oo kala ahaa arrimaha gobolka Gedo, qaabka loo qabanayo doorashooyinka xubnaha Somaliland ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka iyo cabashada saamileyda siyaasadda ay ka muujiiyeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan oo intaas raaciyay;