berberatoday.com
Jubaland Oo Shuruudo Ku Xidhay Ka Qeybgalka Shirka Muqdisho
February 22, 2021 - Written by admin

Kismaayo(Berberatoday.com)-Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa mowqifkiisa ku aadan doorashooyinka muranku ka taaganyahay ku faah-faahiyay warsaxaafadeed maanta oo Axad ah ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulkaas.

“Heshiiskii September 17, 2020, kaddib waxaa soo baxay cabashooyin ku saleysan sadex qodob, kuwaas oo kala ahaa arrimaha gobolka Gedo, qaabka loo qabanayo doorashooyinka xubnaha Somaliland ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka iyo cabashada saamileyda siyaasadda ay ka muujiiyeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan oo intaas raaciyay;

“Dowladda Federalka ee wakhtigeedu dhammaaday ayaa qaaday tallaabooyin gurracan ee xoog sheegasho aan waafaqsaneyn sharciga oo waxyeello loogu geystay muwaadiniin gudanaya xaqooda dastuuriga ah iyo weerarkii hubeysnaa ee lagu qaaday saamileyda siyaasadda dalka ee ay ugu horreeyaan Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federalka Shariif Xasan Sheekh Aadan”

Jubaland oo sheegtay in dalku uu galay marxalad cakiran waxay warsaxaafadedkeda ku soo koobtay baaqday shan qodob ah, kuwaas oo u qornaa sidan;

Dowladda Federalka ee xilligeedu dhammaaday inay garawsho iyo raalligalin ka bixiso tallaabooyinka gurracan iyo waxyeellada ay u geysatay muwaadiniinta iyo saamileysa siyaasadda dalka;

In la iskugu yimaado shir ay ka soo qeybgalayaan saamileyda siyaasadda dalka;

In goobta uu shirku ka dhacayo noqoto goob amnigeeda lagu kalsoonan karo, mas’uuliyadeedana ay lahaato beesha caamalku;

In la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas;

In madaxweynaha Federalka ee wakhtigiisu dhammaaday uu ka dhexbaxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhammaan saamileysa siyaasadda dalka.

Maamulka Jubaland wuxuu sheegay in dhinacooda ay muujiyeen tanaasulaad, si xal looga gaadho doorashada 2021.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews